Filimada Hindi Medium Iyo Sachin Ganacsigooda Ilaa Haatan Halka Uu Maraayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Irfan Khan iyo Sabba Qamar filimkooda Hindi Medium ayaa ganacsi fiican sameeyay todobaadkiisa 5-aad sedexda maalmood ee ugu horeyso  wuxuuna keenay 2 Crore sidoo kalena wadarta guud haatan wuxuu marayaa filimkaan 61.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Sida muuqato qiyaas ahaan Hindi Medium wuxuu ganacsigiisa kusii darsan karaa 1.50 Crore ka hor inta uusan tiyaatarada isaga dagin waxaana muuqato in ganacsigiisa guud ku istaagi doono 63 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Hindi Medium oo Hit dhameestiran noqday lacagaha uu todobaad walbo soo xareeyay ilaa haatan:

Todobaadka kowaad – 23.25 Crore

Todobaadka labaad – 18.23 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadka sedexaad – 11.67 Crore

Todobaadka afaraad – 6 Crore

Todobaadka shanaad – 2 Crore qiyaasta xili hore (Mudo sedex maalmood ah)

Wadarta Guud – 61.20 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Documentary-ga ah ee nolosha kabtankii hore xulka Hindiya cayaarta Cricket-ka Sachin Tendulkar looga hadlaayo Sachin – A Billion Dreams ilaa iminka ganacsi fiican ayuu sameeyay.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Sachin – A Billion Dreams ilaa iminka wuxuu keenay 42 Crore qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo wuxuuna ku istaagi doonaa 43 Crore sidoo kalena 7.50 Crore oo dheeri ah wuxuu ka keenay qaybtiisa lagu daawaday luqadaha Tamil, Telugu, Marathi iyo English taasi oo ka dhigan in ganacsigiisa guud dhamaan luqadaha lagu daawaday filimkaan keeni doono 50 Crore (All India Business).

Filimka Sachin shabakada Boxoffice India waxay u aqoonsatay natiijo ahaan Average sababtana waxay tahay filimkaan lagu qarash gareeyay 8 Crore in lacago qaali ah oo 20 Crore ka badan looga iibiyay kooxda cajaladaha qebiyaan madaama nolosha Sachin Tendulkar oo Hindiya caan ka ah looga hadlaayo sida filim Bollywood oo mada daalo dhameestiran leh oo kale ayay u iibsadeen kumana aysan qasaarin lacagtooda dib ayay ugu soo laabatay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video