Filimka Super Singh Oo Ganacsi Wacan Sameeyay Sedexdiisa Maalmood Ee Ugu Horeesay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star-ka reer Punjab Diljit Dosanjh ayaa aad ugu faraxsan in filimkiisa Punjabi-ga ah Super Singh ganacsi wacan sameeyo sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay filimka Super Singh sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay wuxuu keenay 5.75 Crore (Trade Figure) weliba lacagahaan ka badan ayuu keeni lahaa balse cayaartii Cricket-ka Hindiya guuldaro kala kulantay Pakistan ayay dadka ku mashquuleen lagana qaaday koobkii Hindiya.

Filimka Super Singh ma sameynin ganacsi Blockbuster ah sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay balse qaabka uu ku socdo waxay ka dhigan tahay in maal maha shaqada uusan hoos u dhac weyn sameynin sidaasna guul weyn ku gaari doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Super Singh ee Super Hero ku matalaayo Diljit Dosanjh iyo lacagaha uu keenay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso waa isku darka lacagaha guud gobolka Punjab iyo Hindiya inteeda kale:

Jimco – 1.80 Crore

Sabti – 2 Crore

Axad – 1.90 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Wadarta Guud – 5.70 Crore (Trade Figure)

Marka laga hadlaayo taariikhda filimada Punjab-ka ah ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso filimka Super Singh kaalinta 4-aad ayuu taagan yahay sida aad hoos kaga bogan kartid:

Sardaar 2 – 7.78 Crore

Sardaarji – 7.13 Crore

Manjhe Bistre – 6.16 Crore

Super Singh – 5.70 Crore

Marka laga soo tago filimka Manjhe Bistre sedexda kale waxaa sameeyay Super Star Diljit Dosanjh taasi oo caddeyn u ah in fanka Punjab atoorahan awood lixaad leh ku heesto.

F.G: Diljit Dosanjh dhanka Bollywood-ka ilaa haatan labo filim ayuu sameeyay labada filim wuxuu ku matalay door caawiye ah kuwaas oo ah Udta Punjab 2016 oo Average noqday iyo filimka Phillauri oo Flop noqday kaasi oo Anushka Sharma hogaamiye ka ahayd soona baxay bishii Maarso ee sanadkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video