Kajol Maxay Ka Dhihi Doontaa Ajay Devgn Iyo Ileana D’Cruz Muuqaalka Isku Soo Dhawaansho Filimka Baadshaho Ku Wadaagi Doonaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa siweyn loo wada sugayaa goos gooska filimka Baadshaho oo lasoo bandhigi doono maal maha nagu soo fool leh waana filim Action ah oo hadal heyn lixaad leh abuuray.

Director Milan Lutharia ayaa filimkiisa dadka ka gaday madaama uu dhamaan jilaayaasha filim mid walbo maalin kasto kasoo bandhigaayay kaarto ama sawir u gaar ah.

Baadsasho waxaa wada jilayaan Ajay Devgn, Emraan Hashmi, Esha Gupta, Ileana D’Cruz, Vidyut Jammwal iyo Sanjay Mishra waxaana la daawan doonaa 1 September 2017 halka shirkada T-Series ay maal galisay.

Hadaba waxaa la sheegay in hogaamiyaha filimka Baadshaho Super Star Ajay Devgn iyo atirishada Ileana D’Cruz filimkaan ku wadaagi doonaan muuqaal dareen ku dheehan ama aad isugu soo dhawaan doonaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Weliba Director Milan Lutharia ayaa laga soo xigtay in Ajay iyo Ileana D’Cruz shaashada wacdaro ka dhigi doonaan madaama Baadshaho wax walbo oo daawadayaasha soo jiidan karo kusoo bandhigi doonaan.

Arinkaan masoo dhaweyn doonto atirishada awooda badan Kajol oo u dhaxdo Ajay Devgn sidoo kalena aan ka helin in atirishooyinka la shaqeeyaan seygeeda inay aad isugu soo dhawaadaan.

Kajol ayaa dhamaadkii sanadkii hore sheegtay inaysan la soconin ama ka warqabin xiligii Ajay Devgn muuqaalo dareen ku dheehan la wadaagay atirishada reer Poland Erika Kaar filimkii Shivaay.

Kajol waxay sheegtay hadii ay ogaan laheyd in Ajay sidaas xad dhaafka ah Erika Kaar ugu dhawaanayo inaysan marnaba ka yeeli laheydn sameynta muuqaladaas!

Hadaba Kajol maxay sameyn doontaa marka filimka Baadshaso goos gooskiisa lasoo bandhigo ama tiyaatarada la saaro hadii lagu soo bandhigo seygeeda Devgn oo muuqaalo dareen ku dheehan la wadaagayo atirishada Ileana D’Cruz!

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. liban says:

    hhhh filimkaa fanaa oo ay lajishe amir khan dib haueegto hhhhh




Featured Video