Katrina Kaif Oo Wacad Ku Martay Inaysan Mar Dambe La Shaqeyn Doonin Ranbir Kapoor

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Katrina Kaif iyo saaxiibkeedii hore Ranbir Kapoor waxay dhawaanahan isla xayeysiinayeen filimkooda Jagga Jasoos oo la daawan doono 14-ka bisha July ee nagu soo fool leh.

Hadaba saxaafada Hindiya ayaa bilaawday hadal heyn ku aaday in Ranbir iyo Katrina iska hilmaameen xurguftii dhex tiilay hada kadibna wada shaqeyn doonaan marba hadii xiriirkoodii nolosha bur bur ku dhamaaday.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin Katrina Kaif ayaa arinkaas wax kama jiraan ku tilmaantay waxayna wacad ku martay inaysan mardambe la shaqeynin Ranbir Kapoor.

Wargeyska caanka ah DNA ayaa hadalkaan kasoo xigtay Katrina “Aadbay u adag tahay inaan Ranbir la shaqeeyo, dadka wey isla arkeen inuu wax walbo isku dayaayay sidii aan ku wada shaqeyn laheyn inta xayeysiinta Jagga Jasoos aan sameeneeynay laakiin midaas ma dhici doonto, wacad ayaan ku maray inaan mar dambe filim la sameynin”

Ranbir Kapoor isla su’aashan ayaa la weydiiyay laakiin wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo mana rabo inuu xasarad kale abuuro balse Katrina Kaif caadifad xoogan ayaa weli heyso waxayna dhib ku qabtaa in haatan ay RK la xayeysiineyso filimka Jagga Jasoos!

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Taageere deepuu says:

    Qoftaan ilaahay amarkii meel cidlaa ee ka maseersantahay war walugeeda lays jeclaan jiray layslana shaqayn jiray caadi iska dhig maxay tahay dagaalkaan awalba nasiib maleheena sooy dheh

  2. owlet says:

    hhhhh nin ragaa wada ka mearee maxay saymzaa wuu ka dhaqaayiyee Rk rageedii deeepuu inagu cali zhpoooow




Featured Video