Rasmi: Filimka Bank Chor Iyo Sedexdiisa Maalmood Ee Ugu Horeesay Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Retiesh Deshmukh iyo saaxiibkiis Vivek Oberoi jab xoogan ayaa ku dhacay madaama filimkooda Bank Chor ganacsi aad u liito uu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay.

Bank Chor ganacsigiisa ugu liito wuxuu sameeyay maalintii Axada ahayd asigoo keenay 1.35 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday madaama dadkii oo dhan u daawasho tageen cayaarta Hindiya Vs Pakistan dhex martay ee Cricket-ka ahayd.

Bank Chor sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso wuxuu keenay 4.50 Crore (Trade Figure) waxaana ka wanaagsan Reteish Deshmukh filimkiisii Banjo oo sanadkii hore keenay 5.41 Crore sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay halka Bangistan isagana keenay 3.64 Crore waxaana meesha ku cad in Reteish uusan qaadi karin masuuliyada ah filim inuu hogaamiye ka noqdo!

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bank Chor sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay:

WARAR DHEERAAD AH:

Jimco – 1.40 Crore

Sabti – 1.65 Crore

Axad – 1.35 Crore qiyaasta xili hore

Wadarta Guud – 4.40 Crore (Trade Figure)

Filimka Bank Chor waa u dhamaatay dhulka ayuuna sii gali doonaa laga bilaabo Isniinta ilaa Khamiista kadibna tiyaatarada 700 ee laga daawanayo waa laga dajin doonaa madaama uu min tuulo ilaa magaalo la wareegi doono filimka Tubelight ee Mega Star Salman Khan hogaamiyaha ka yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video