Rasmi: Goos Goos Labaad Oo Kooban Ayaa Laga Soo Bandhigay Filimka Jab Harry Met Sejal (+Video)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Director Imtiaz Ali waxay doorteen siyaasad u gaar ah oo ku aadan sidii filimkooda Jab Harry Met Sejal hadal heyntiisa sare loogu qaadayo.

Sidaa darteed waxaa shalay lasoo bandhigay goos goos kooban oo 30-ilbiriqsi soconaayo filimka Jab Harry Met Sejal maantana goos goos labaad oo isla waqtigaas soconaayo aadna u gaaban ayaa lasoo bandhigay.

Hadii shalay SRK uu Anushka Sharma ku waab sanaayay sida uu il bax ugu yahay socdaalada dunida madaama uu dalxiisayaasha hago, maantana goos gooska kooban ee lasoo bandhigay Anushka ayaa SRK bareyso cashar dhanka sariirta ku aadan weliba siweyn ayaa looga yaabsanayaa!

Filimka Jab Harry Met Sejal waa sheeko jaceyl oo ka dhaleyso safarka ah Yurub ku galayaan Harry iyo Sejal waana sheeko qiiro badan oo Harry jaceylka iyo nolosha ku fahmaayo xili uu Sejal la raadinaayo faraantiga guurkeeda Sejal iyadana nolosha dalxiiska iyo farxada ay leedahay ayay ka baraneysaa Harry.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidaa darteed Sejal la jooga Harry waxay ka heleysaa xuriyad, nabad galyo iyo kalsooni halka halka Harry isagana jaceylka waxa uu yahay Sejal ka baranaayo.

Isku soo wada duub Jab Harry Met Sejal waa filim ka hadlaayo jaceylka, nolosha, beenta, farxada, damaashaadka, kaftanka iyo soo bandhigida waxa qalbigaaga ku jiro.

Filimka Jab Harry Met Sejal oo la daawan doono 4 August 2017, fadlan hoos kaga bogo goos gooska labaad ee kooban ee filimkaan laga soo bandhigay:

Fadlan hoos ka daawo hadii aadan goos gooskii 1-aad isagana shalay daawanin:

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. aas says:

    xageen ka daawanaa,beenta naga daaya please maba lahan clip aan ka daawano.dhowr mar oo hore inaan idiin sheegnaan rabnay

  2. Ahmed sheelare says:

    Kkkkk waxan siyaasad maaha lalabo ayeey u bedeleen goos gooska dhan runti fikrad qaldan




Featured Video