Salman Khan Hay’adiisa Being Human Oo Wiil Labo Jir Ah Ka Caawineyso Sida Beerka Looga Badali Lahaa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan Hay’adiisa samafalka qaabilsan Being  Human sanadii 2007 ayuu furay  inta badana caruurta dhibaateesan ayay caawisaa.

Haatan waxaa la ogaaday in Being Human caawineyso wiil labo jir ah oo beerka ka xanuunsan sidii beerka looga badali lahaa.

Rakesh Anwar oo ah aabaha dhalay wiilka yar ee beerka ka xanuusanaayo ayaa sheegay in dhaqaatiirta u sheegeen inuu bixiyo 12 Lakh ama 1-milyan iyo 200,000 oo Rupees una dhiganto ($18,181) waxaana qaliinkaan la sameyn lahaa 31-dii May ee aan kasoo gudubnay.

Laakiin aabo Rakesh Anwar ayaa isbitaalka ka codsaday in qaliinka dib loogu dhigo ilaa 18-ka bisha July ee nagu fool leh si uu qarashaadkaan u raadiyo.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidaa darteed Rakesh wuxuu bilaabay aruurinta lacagaha wiilkisa beerka looga badalaayo wuxuuna la xariiray shirkado kala duwan oo samafalka ka qayb qaataan.

Rakesh ayaa la xariiray shirkada Being Human ee Salman Khan aas aasay wuxuuna weydiisay 1 Lakh lacag ah laakiin waxay ugu deeqeen 2 Lakh lacag ah ama 200,000 Rupees ($3,030).

Rakesh kadib waxay la xariireen hay’adaha samafalka iyo sadaqada bixiso Tata Charitable Trust oo iyadana ugu deeqday 5 Lakh sidoo kalena 3 Lakh waxay ka heleen wasiirka cadaalada.

Rakesh iyo qoyskiisa weli 12 Lakh ayaa ka dhiman lacagta wiilkooda beerka looga badali lahaa balse wuxuu u mahad celiyay qof walbo oo lacag ugu yaboohay.

Fadlan hoos kaga bogo qoraalka rasmiga ah ee Salman Khan hay’adiisa Being Human u dirtay Apollo Hospital ee magaalada Mumbai ku yaalo kuna jiro wiilka xanuunsan waxaana warqada ku qoran in isbitaalka loogu sheegayo lacago 2 Lakh inay kala soo baxaan jeega warbixinta lagu soo lifaaqay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video