Waxaa La Joogaa Xiligii Shirkada Yash Raj Films Hurdada Ka Kici Laheyd Waayo Filimadeedii Ugu Dambeeyeen Ganacsi Ahaan Wey Fashilmeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Yash Raj Films waa shirkada ugu awooda badan Bollywood-ka mudo dheerna soo jirtay sidoo kalena atoore walbo inuu ka shaqeeyo YRF waa riyadiisa.

Balse dhawaanahan shirkada YRF hoos u dhac baaxad leh ayay bartanka kaga jirtaa waxaana la joogaa xiligii Aditya Chopra madaxa shirkadaan uu hurdada ka kici lahaa hadii kale maqaamka ay Bollywood-ka shirkadaan ku leedahay ayay lumin doontaa.

Yash Raj Films sedexdii filim ee ugu dambeeyay ee tiyaatarada loo saaray Befikre (Ranveer & Vaani), Meri Pyaari Bindu (Ayushman & Parineeti) iyo Bank Chor (Reteish Deshmukh iyo Vivek) dhamaantooda ganacsi ahaan dhulka ayay galeen.

Sidoo kale sanadkii hore YRF filimkii weynaa oo ay maal galiyeen Fan sidoo kalena Shah Rukh Khan hogaamiye ka ahaa Flop ayuu noqday mana la fileyn arinkas.

WARAR DHEERAAD AH:

Kaliya 2016 waxay YRF ku bad baaday in filimkoodii Sultan ee Salman Khan hogaamiyaha ka ahaa Blockbuster weyn noqday sidoo kalena 300 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay.

Yash Raj Films hada waxay xooga saartay oo ay qarash xoogan galineysaa labada filim ee waa weyn laguna kalsoon yahay awoodeeda inay shirkadaan kusoo ceshan karto.

Waxayna labadaas filim kala yihiin Tiger Zinda Hai oo Salman Khan iyo Katrina Kaif hogaamiye ka yihiin lana daawan doono 21 December 2017 todobaadka ciida masiixiga.

Filimka kalena waa Thugs Of Hinduston oo Aamir Khan, Amitabh Bachchan iyo Katrina Kaif hogaamiyaal ka yihiin lana daawan doono Diwali 2018.

Waxaan u rajeneynaa shirkadii Bollywood-ka ugu awooda badneyd Yash Raj Films inay soo kabasho xoog leh sameyso…..

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video