Akshay Kumar Filimkiisa Toilet – Ek Prem Katha Oo Gobolo Badan Canshuurta Laga Dhaafi Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet – Ek Prem Katha asigoo weli tiyaatarada la saarin ayaa lasoo jeediyay in gobolo badan canshuurta laga dhaafo.

Goos gooska filimka Toilet – Ek Prem Katha siweyn ayaa loo soo dhaweeyay xitaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa ka helay madaama uu ka hadlaayo fariin muhiim u ah bulshada Hindiya oo ah in nadaafada lagu dadaalo dhaqanka dadkana wax laga badalo gaar ahaan kuwa aan musqulaha adeegsanin ee banaanada xaajooyinka ku gutaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Haatan xisbiga ugu awooda badan Hindiya BJP ayaa soo jeediyeen in filimka Toilet – Ek Prem Katha canshuurta laga dhaafo weliba xisbigaan gobolada uu ku xoogan yahay waxay balan ku qaadeen in canshuurta laga dhaafi doono.

Akshay Kumar haatan waxaa loo arkaa inuusan ahayn jilaa balse uu yahay qof u taagan badalida dhaqanka bulshada Hindiya si fayo dhoor wanaagsan loo helo.

Sidaa darteed 11-ka August 2017 filimka Toilet – Ek Prem Katha marka tiyaatarada la saaro waxaa la filaa in gobolo badan canshuurta laga dhaafi doono taasi oo siweyn kaga caawin doonto inuu ganacsi weyn sameeyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video