Imisa Saacadood Ayay Atirishada Ileana D’cruz Ku Codeesay Doorkeeda Filimka Mubarakan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka weyn ee shactirada iyo arimaha guurka isku jiro Mubarakan maanta ayaa lasoo bandhigi doonaa goos gooskiisa waana filim la wada sugaayo.

Hadaba Ileana D’cruz oo ka mid ah hogaamiyaasha filimkaan ayaa si waali ah u codeesay doorkeeda si uusan waqti badan kaga lumin ayadoo hawlo kale ku mashquulsan.

WARAR DHEERAAD AH:

Ileana D’cruz waxay saxaafada u sheegtay in 10-saac ilaa 11-saac maalin kasto waqtigeeda ah galineesay filimka Mubarakan codeyntiisa si ay halmar kaga baxdo.

Sababta ay waqtiga dheeri ah xidigtaan u shaqeeneesay waxay ku sheegtay inay hawlo kale ama mashaariic kale ka xayirmi lahaayeen haatana ay ku faraxsan tahay inay doorkeeda filimka Mubakaran gabi ahaantiisa codeesay.

Ileana D’cruz sidoo kale waxay sheegtay in markii hore dhib ku qabtay codeynta filimka Mubarakan madaama lahjada ama luqada la adeegsanayo ay Punjabi tahay laakiin markii dambe qoraaga filimkaan siweyn u caawiyay ku cel celis badan kadib ay la qabsatay.

Filimka Mubakaran waxaa wada jilayaan Arjun Kapoor oo labo waji jilaayo, Anil Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’cruz, halka Anees Bazmee uu Director ka yahay waxaana la daawan doonaa 28-ka bisha July ee nagu soo fool leh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video