Ma Ogtahay Salman Khan Inuu Kabir Khan Ka Diiday Sameynta FilimKale Oo Aanan Aheyn Tubelight!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

ugu dambeyn wixii lasugaaba waxaa la isugu biyo shubtay in jimcadaan la daawado filimkii xiisaha badnaa ee Tubelight kaaso inbadan lasugaayey.

xisaabta kudarso waa filimkii sedexaad oo ay ku midoowaan Salman Khan iyo filimsameye Kabir Khan kuwaaso horey usameyeen Blockbusterska waaweyn ee kala ah Ek Tha Tiger (2012) iyo Bajrang Bhaijaan (2015).

hadaba Wareysi ay la yeelataya Bollywoodlife filimsameyahan ayaa sheegay in Salman iska diiday filim kahor inta usuan saxiixan Tubelight.

WARAR DHEERAAD AH:

filimkaaso ah filim uu Sallu kumatali lahaa nin oday ah wuxuuna doorkas ku noqday door adag sidaa ayuuna Salman isaga diiday doorkas.

Kabir Khan oo arinkaan kahadlaayo wuxuu yiri, ” markii aan sheekada filimkaas aan diyaariyay waxaan ubandhigay Salman, balse wuu iska diiday, mana layaabayo waayo wuu saxnaa.

marka la isku fiiriyo labada door ¬†ee kala ah midka uu duqnimoda ku matalaayo iyo Tubelight waa kuwa aad ukala fog, waayo midna waa muuqaalkiisa caadiga ah ayuu doorkisa kumatalayaa halka midka kalena looga baahanyahay inuu isku ekeesiyo oday waayeel ah.”

sido kale Kabir waxaa la weydiiyay in mashruucas uu meel iska dhigay iyo in uu xidig kale udhiibi doono, Kabir oo ka jawaabaya arinkaas wuxuu yiri,” haa dabcan waa mashruuc xiiso leh meelna lama dhigi doono, dabcan qof ku haboon ayaan raadinaya waana u dhiibaya mashruucas.”

Kabir filimkiisa xiga waa Tubelight kaaso la daawan doono 23 June oo ku beegan Jimcada, waxaana hogaamiyaal guud ka ah Salman khan, Sohail Khan iyo Zhu Zhu.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video