Rasmi: Filimka Super Singh Oo Ganacsi Fiican Sameeyay Isniintiisa Kowaad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star-ka reer Punjab  Diljit Dosanjh filimkiisa Super Singh ee Punjab-ka ah ayaa ah ganacsi fiican sameeeyay Isniintiisa kowaad midaasna waxay xaqiijisay inuu guul wacan gaari doono filimkaan.

Super Singh wuxuu sameeyay 40% hoos u dhac ka yar marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay taasina waxay ka dhigan tahay in filimkaan maal maha shaqada ganacsi fiican sameyn doono.

Super Singh Isniintiisa kowaad wuxuu keenay 1.10 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay wuxuuna haatan soo xareeyay mudo 4-maalmood 6.80 Crore (Trade Figure).

Sida muuqatana todobaadkiisa kowaad Super Singh wuxuu keeni doonaa 9.50 Crore waana ganacsi fiican, kadibna wuxuu ku qasbay inuu Waqooyiga Hindiya gaar ahan gobolka Punjab kula tartamo filimka weyn Tubelight oo Jimcadaan tiyaatarada loo baneyn doono.

Fadlan hoos kaga bogo Super Singh lacagaha uu keenay 4-ta maalmood ee ugu horeyso:

Jimco – 1.80 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Sabti – 2 Crore

Axad – 1.90 Crore

Isniin – 1.10 Crore

Wadarta Guud – 6.80 Crore (Trade Figure)

Waa hubaal Super Singh ganacsigiisa cimri ahaan wuxuu u suura galin doonaa inuu ka mid noqdo 10-ka filim ee Punjabi sameeyeen kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyeen taariikh ahaan.

Xitaa waa macquul inuu 5-ta ugu sareyso gaaro balse wax walbo waxay ku xirnaan doontaa sida uu filimka Tubelight tiyaatarada ula qeebsado todobaadkiisa labaad.

Ilaa haatan labada filim Punjabi sameeyeen kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyeen waa Sardaarji iyo Chaar Sahibzaade kuwaas oo 20 Crore ka badan keeneen mana ahan yool uu gaari karo filimka Super Singh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video