Salman Khan ” Kahor Inta Aanan Ubandhigin SRK Doorka Martida Ah Ee Filimka Tubelight Ayuuba Ogolaaday Doorkas!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Super Star Salman Khan iyo Super Star Shah Rukh Khan waa labo Super Stars kuwaaso saaxiibo dhow ah maanta sido kalena kamid ah Super Starska ugu awooda badan India.

hadaba filimka Tubelight oo uu hogaamiye ka yahay Salman Khan ayaa la daawan doona jimcadan nagusoo foodleh, sidaa wada ognahayna filimkaan waxaa muuqaal marti ah kuleh SRK.

WARAR DHEERAAD AH:

Salman Khan wuxuu leeyahay SRK doorkiisa kahor inta aanan u sheegin ayuuba ogolaaday waana mid ka yaabisay Super Starkaan.

waxay aheyd xili intii lagu guda jiray xayeysiin usameynta filimkiisa Tublegith intii lagu guda jiray ayuu xidigaan saxaafada la wadaagay arinkaan.

Salman khan oo hadlaayo wuxuu yiri,” Markii Kabir Khan iiso bandhigay sheekada filimka oo uu ii aqriyay, wuxuu iishegay in doorkan yarna nalaga rabo inaan u bandhigno SRK, sidaa awged waxaan wacay SRK markii aan ushegay in filimka Tubelight door yar kujiro.

sidaa darteedna aan dhahay doorkas adiga ayaa kula rabay, kahor inta aanan hadalka dhameesan ayuuba igu dhahay, waaan sameynayaa doorkaas, waana sidaas sida uu kusoo galay SRK filimkeyga.”

dabcan SRK doorkas wuxuu dareemay in Sallu ka codsan rabo inuu ubandhigo sidaa awged kahor inta uusan kacodsanba horey ayuu ka ogolaaday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video