Tiger Shroff Oo Gaari Mercedes Ah Hadiyad Ahaan U Siiyay Director Sabbir Khan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waa wax la wada ogyahay in xiriir wacan uu ka dhaxeeyo Tiger Shroff iyo Director Sabbir Khan madaama  ay ka wada shaqeeyeen filimka Hit-ka noqdeen Heropanti iyo Baaghi haatana u diyaarsan yahay filimka Munna Michael.

Tiger Shroff ayaa Director Sabbir Khan hadiyad ahaan u siiyay gaari nooca raaxada Mercedes ah gaar ahaan markii duubista filimka Munna Micheal la dhameestiray ayuu Tiger hadiyad ahaan saaxiibiisa u siiyay gaarigaan qaaliga ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Director Sabbir Khan oo aad u faraxsan wuxuu yiri “Tiger iyo qoyskiisa waa kuwo qalbi wanaagsan sidoo kalena deeqsi ah aadban uga helay hadiyada aan ka helay dhankiisa waxaana xiiso u qabaa wadista Mercedes-ka Tiger i siiyay”

Filimka Munna Micheal Tiger waxaa la jilayaan Nawazuddin Siddiqui iyo Nidhhi Agerwal waxaana la daawan doonaa 21-ka bisha July ee nagu soo fool leh.

Waxaan la rajeynaa wada shaqeynta Tiger iyo Director Sabbir Khan inay sii ahaan doonto mid joogto ah guushooda sedexaadna wada gaari karaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video