Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ghulam Ee Aamir Khan Iyo Rani Mukerji Wada Jileen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ghulam wuxuu soo baxay shalay oo kale 19-kii June 1998 waxaana kasoo wareegatay 19-sano ka hor xiligii filimkaan tiyaatarada laga daawaday.

Ghulam oo Hit weyn noqday waa mid ka mid ah aflaanta Aamir Khan bandhiga ugu wacan ka muujiyay shaashada oo uu weliba ku matalay door aan looga baranin.

Jilaayaasha filimka Ghulam: Aamir Khan, Rani Mukerji, Deepak Tijori iyo Sharat Saxena

Director: Vikram Bhatt

Fadlan hoos kaga bogo Xaqiiqooyin Filimka Ghulam U Gaar Ah:

Xaqiiqada 1-aad: Ficilada Action-ka ah waxaa ku jirto muuqaal Aamir Khan ku ordaayo wadada tareenka jidkana kusoo socdo tareen xawaare sare ku socdo oo ay Aamir isku dhaafayaan ilbiriqsiyo, muuqaalkaan si dhab ah ayuu Aamir u sameeyay!

Markii uu dib ka daawaday wixii uu sameeyay Aamir wuxuu sheegay inuu xaaladaas waali cad ku sugnaa naftiisana uu galiyay halis midi ugu weyneed! Waayo Aamir Khan iyo tareenka waxaa u dhaxeeyay 1.3 ilbiriqsi oo kaliya ayay isku dhaafeen inay isku haleelaan.

Muuqaalkaaas waxay shirkada Filmfare u dooratay muuqaalkii ugu wanaagsanaa ee filim Bollywood lagu soo bandhigay sanadii 1998 waxaana lagu siiyay kooxda Ghulam bilad qiimo badan.

Xaqiiqada 2-aad: Rani Mukerji filimka Ghulam codkeeda kuma hadleynin waxaana u codeesay Mona Shetty waa gabbar xirfadeeda tahay inay filimada codeyso, heesaa ah sidoo kalena filimada alifto.

Sababta Rani filimka loogu codeeyay waxay sheegtay in doorkeeda iyo codkeeda isku dhigmin sidaasna Mona Shetty ugu codeesay.

Xaqiiqada 3-aad: Ghulam waa filim dib loo sameeyay waayo horey sheekadiisa waxaa lagu soo bandhigay filimka Kazbaa (1988) ee Sanjay Dutt iyo Amrita Singh wada jileen waana filimkii ugu horeesay ee sameyso shirkada  Vishesh Films sidoo kalena isla Ghulam shirkadaan reer Bhatt leeyihiin ayaa sameeyeen.

Xaqiiqada 4-aad: Ghulam asigoo Tamil ah ayaa dib loo sameeyay wuxuuna watay magaca  Sudhandhiram (2000) waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen Arjun iyo Rambha

Xaqiiqada 5-aad: Muuqaalka dhamaadka filimkaan ama uultimada si uu Aamir Khan ka run sheego mudo 8-maalmood ah wajigiisa ma uusan dhaqin, si uu doorkiisa 100% isugu ekeysiiyo!

Xaqiiqada 6-aad: Aamir Khan markii ugu horeesay ayuu heesaa ka noqday filimka Ghulam wuxuuna qaaday heeskii hirgalay Aati Kya Khandala ee ilaa maantadan Hindiya iyo meel walbo laga jecel yahay.

Xaqiiqada 7-aad: Pooja Bhatt ayaa markii hore loo bandhigay doorka atirishada kowaad filimkaan balse uma suura galeyn sameyntiisa waxaana lagu badalay Rani.

Xaqiiqada 8-aad: Shah Rukh Khan ayaa iska dooday doorka Aamir Khan waayo ma uusan rabin inuu mar sedexaad la shaqeeyo reer Bhatt madaama labadii filim ee uu horey ugu sameeyay Chaahat (1996) iyo Duplicate (1998) ganacsi ahaan guul dareesteen oo aan Boxoffice-ka laga soo dhaweynin.

Xaqiiqada 9-aad: Asal ahaan filimkaan marka shaqadiisa la bilaabayay wuxuu watay magaca “Zakhmee” laakiin waa laga badalay waxaana loo bixiyay Ghulam.

WARAR DHEERAAD AH:

Xaqiiqada 10-aad: Filimkaan Mahes Bhatt ayaa rabay inuu Director ka noqdo si uu filim sameynta ugu soo gaba gabeeyo atirishana kaga dhigo gabadhiisa Pooja Bhatt, laakiin qorshahan ma suura galin waxaana masuuliyada sameynta filimka Ghulam la wareegay Vikram Bhatt.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga,

Filimada Aan Horey Xaqiiqooyinkooda Kaga Soo Hadalnay Fadlan Hoos Kaga Bogo:

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Hum Dil De Chuke Sanam Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Aatish Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Lagaan Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Gadar Ek Prem Katha Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Border Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Pyaar To Hona Hi Tha Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Kaho Naa… Pyaar Hai Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Main Hoon Na Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Jaani Dushman Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Wanted Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mann Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ajnabee Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar ah Filimka No Entry Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mohabbatein Fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. bile cade says:

    MR ZAKARIA MAHESH BHATT IYO VIKRAM BHATT MAXAY ISKU YIHIIN IIKALA CADEY SXB ADOO RAALI AH

  2. muxamed says:

    Sxb alia bhat iyo pooja bhat ma walaalaa saki sxb

  3. maxamed haadi says:

    sxpb filmka gulaam waa film aad u weyn waxana ku xasuusta qamar jinimadii amir khan




Featured Video