Aqbaar Weyn: Akshay Kumar Oo Filimkiisa Xiga Ku Matali Doono Ra’iisul Wasaare Narendra Modi

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ma ahan Paresh Rawal, mana ahan Anupam Kher……. balse Super Star Akshay Kumar ayaa shaashadaha ku matali doono Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Mudane Narendra Modi!

Waxaa hore siweyn loogu hadal haayay filim looga hadlaayo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Modi inay matali doonaan Paresh Rawal, Anupam Kher, Victor Bannerjee ama jilayaal kale.

Laakiin hada waxaa la isla gartay inuu Akshay Kumar shaashada ku matalo mudane Modi madaama markaas dad weyne aad u fara badan fariintaan daawan doono waayo Akki waa Super Star weyn oo shacbiyad balaaran gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ku leh.

WARAR DHEERAAD AH:

Ruug cadaa Shatrughan Sinha oo ahaan jiray atoore caan ah balse haatan xisbiga siyaasada BJP ka tirsan wuxuu yiri “Mr. Akshay Kumar waa Mr Clean of India- Ninka ugu nadiifsan Hindiya waayo muuqaalkiisa iyo sumcadiisa waa mid wasaq nadiif ka ah isaga ayaana ku wanaagsan inuu sameeyo filimka Narendra Modi noloshiisa looga hadlaayo”

Madaxa gudiga filimada faaf reebaan Pahlaj Nihlani, wuxuu yiri “Uma maleenayo inuu jiro qof kaga wanaagsan Akshay Kumar in shaashada mudane Modi lagu matalo waa shaqsi nadiif ah xiligaana Hindiya oo dhan wada jecel yihiin”

“Sidoo kale Akshay Kumar wuxuu soo maray nolol kala duwan ilaa maanta uu maqaam sare gaaray sifo walbo isku mid ayay ka yihiin mudane Modi waana soo dhaweynaa hindisaha Akshay filimkaan ku sameenayo”

Waxaa la filaa in Akshay Kumar dhawaan madaxa u ruxo sameynta filimka nolosha Modi looga hadlaayo taasi oo sare usii qaadi doonto maqaamka sare ee uu maanta fanka Hindiya ka taagan yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. nuur cabdi kariim qalinle says:

    sasaan kaarabaa waan eegeenaa akshay ayaa igabadbatay aniga iyo srk bahubuli dangal wax kale kaama sheekeeyaan warkale noosoodaabada warka waan kuxidhannahay szbyaa

    • abdihakin says:

      Adi qof waln ayaad uigthy teda kale filamdisa waxey soo qoran waxii cusb marka na ahn in aad dhahdo atora hebel ayaa tagertan

  2. khilaadi yare says:

    zxb waxan u malaynayaa cudur akkikiii LA dhaho ayaa Ku haya war bixintii akkki ku saabsan dood ayad LA dhex taagamtahay.
    lkn anaa kaa naxaya oo dawada cudurkas Ku sheegaya daawashada ninka MR BOON soomalidu utaqaan filimadiisa badso hhhh




Featured Video