Daniel Day-Lewis Oo Ku Dhawaaqay Inuu Shaqada Jilaanimo Isaga Fariistay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha ugu badan ee ku guuleesto abaal marinta Oscar-ka qaybta atooraha ugu wanaagsan Daniel Day-Lewis ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga fariistay shaqada jilaanimo.

Hollywood Super Star Daniel Day-Lewis oo aad loogu qadariyo sameynta doorarka wacan fanka dunidana maqaam sare ka gaaray ayaa sheegay in lasoo gaaray xiligii uu nasiino dheeraad ah gali lahaa.

Daniel Day-Lewis Afheeyinkiisa ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna yiri “Daniel Day-Lewis masii shaqeyn doono asigoo atoore ah, wuxuu siweyn ugu mahad celinaa dhamaan dadkii lasoo shaqeeyeen iyo daawadayaashii sanadi badan aflaantiisa soo dhaweyn jireen, go’aanka uu qaatay waa mid isaga u qaas ah”

WARAR DHEERAAD AH:

Daniel Day-Lewis oo 60-jir ah una dhashay dalka Ingiriiska filimkii ugu dambeeyay wuxuu noqon doonaa “Phantom Thread” oo uu Director ka yahay Paul Thomas Anderson lana daawan doono 25 December 2017.

Daniel Day-Lewis waa atooraha kaliya ee sedex jeer Oscar-ka qaybta atooraha ugu wanaagsan ku guuleestay wuxuuna ku qaatay filimada kala ah “There Will Be Blood”, “My Left Foot” iyo “Lincoln”.

Atoorahan caanka ah waxaa aabo u ah gabyaagii Cicil Day-Lewis halka hooyadiis ay ahayd atirisho laguna magacaabo Jill Balcon wuxuuna filim jilista bilaabay asigoo 14-jir ah asigoo sameeyay filimkii 1971 soo baxay “Sunday Bloody Sunday”, laakiin wuxuu aqoonsi weyn ku helay filimada “My Beautiful Laundrette” iyo “A Room with a View”.

Daniel Day-Lewis waa atoore lagu xasuusan doono in doorkii loo dhiibo 100% isku ekeysiin karo waxaana u dhaxdo gabadha atirishada ah ee lagu magacaabo Rebecca Miller, waxayna isku dhaleen sedex caruur ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video