Maqaal: Akshay Kumar Ma Sameyn Doono Filimka Raiisul Wasaare Modi Noloshiisa Looga Hadlaayo!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Super Star Akshay Kumar ayaa inbadan la isla dhexmarayey inuu sameyn doono filim looga hadlaayo nolosha Raiisul wasaaraha dalka India Mudane Narendra Modi.

balse arinkaas ayaa hada umuuqda inuusan marnaba hirgaleenin, maadama warkaas war cusub kadambeyay, warkii hore ayaa ahaa kaaso xubno kamid ah dowlada sida Shatrughan Sinha iyo kuwa kaleba ay yiraahden  in Akki sameyn doono filimka nolosha Modi looga hadlaayo.

ayagoo waliba Akki amaan kala dul dhaceyn una dhigeen hadalka in Akki marxaladihii noloshiisa iyo Modi noloshiisa ay isku mid aheyn.

WARAR DHEERAAD AH:

sido kalena uusan jirin waqti xaadirkaan shaqsi kaga haboon  Akki sameynta filim nolosha Mudane Modi looga hadlaayo.

hadaba ilo ka agdhow dhanka dowlada ayaa sheegeyn sida tan,” Akshay Kumar ma sameyn doono filim nolosha mudane Modi looga hadlaayo.”

“wararka la isla dhexmaraayona waa warar aan sal iyo raad midna laheyn oo aan gabi ahaanba run aheyn, sidaa awged Akki wax uu ka sameyn doono filim nolosha Modi looga hadlaayo majiri doono.”

dhanka shaqada Akki waxaa u diyaarsan oo laga sugaaba bisha Aug waa filimkiisa xiga ee Toilet: Ek Prem Katha kaaso goos-gooskisa hadal heyn xoogan keenay.

filimka waxaa akki kula hogaamineyso Bhumi Pednekar qorshahana waa in la daawado 11 Aug ee sanadkaan 2017.

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. indhayare says:

    horta amir khan iyo ajey devgn ma colbaa …. mise waa asxab teeda kale imisa filmbay wada sameeyeen… maqaal nooga soo diyaariya filmside.com




Featured Video