Maxaad Ka Taqaana Atoorihii Filimkii Daag: Th Fire Chandrachur Singh Wax Ka Ogow Noloshiisa Xidigaan Calankiisa Dhacay!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Chandrachur Singh waa atoore India ah wuxuuna kasoo muuqday aflaam dhowr ah kuwaaso caan noqdeyn.

Chandrachur Singh oo ay soomalida qaar u taqaano Indha Bulac, Atoore Daag iyo magacya kale ba wuxuu dhashtay  11 Oct 1968 wuxuuna kudhashtay New Delhi.

Xidigaan waxaa ladhashteen labo wiil oo lakala dhaho Abhimayu Singh iyo waliba Aditya Singh halka aabihiis lagu magacaabo Paldev Sing kaaso ah nin siyaasada kujira oo dowlada India katirsan.

Soomalida qaar kood ayaa u heystaan in xidigaan uu dhalaya Shatrughan Sinha (Canjeex), maadama ay isku yara ekyihiin, balse xaqiiqda sidaa ma aha.

Chandrachur Singh diinta uu heysto waa Sikhism, naanesta ama magaca asaxaabtisa ay ugu yeerana waa Rocky oo uu aad u jecelyahay xidigaan in loogu yeero.

Chandrachur kahor inta uusan soo galin fanka ama noqonin atoore filim jila wuxuu ahaan jiray nin Music da ku shaqeysta oo xirfadiisa aheyd.

Balse sanadkii 1996 ayuu si rasmi ah u bilaaway sameynta aflaamta Bollywoodka, wuxuuna kusoo caan baxay filimkii Tere Mere Sapne ee uu Amitabh Bachchan qarash gareye ka ahaa sido kalena waxa isla filimkaas kusoo caan baxay xidigaha caanka ah ee Arshad Warsi.

WARAR DHEERAAD AH:

Chandrchur filimkiisi xigay Maachis ee uu la keenay Tabu ayuu magac kuhelay sido kalena abaal marinta Shirkada Filimkafire bixiso ku qaatay atoore ugu wanaagsan ee Bollywoodka kucusub (Best Male Debut).

Intaa kadib wuxuu kasoo muuqday  aflaam caan ah Inkastoo qaarkood ganacsi ahaan guuldareysteen hadana xidigaan marwalbe doorkiisa amaan lixaadleh ayuu ku heli jiray.

Waxaa aflaamtas kamid ahaayen Kya Kehna, Sil Sila Hai Pyaar, Dil Kya Kare, Daag: The Fire, Josh iyo kuwa kale.

Xidigaan inkastoo doorkisa aflaamta iska yaraa sido kalena aflaam guulo waaweyn gaareyn uusan sameynin hadana sidaa ay jirto ayuu fanka ka fariistay in mudo ah.

Chandrachur wuxuu guursaday gabadha lagu magacaabo Avantika Kumari taaso udhashay wiil sanadkii 2007 waxaana wiilkaas loo bixiyay Shraanjal Singh.

Intuu kudambeeya hadeer xidigaan? Wali waa jilaa balse aanan sifiican u muuqanin, aflaamta qaarkod ayuu kasoo muuqda xidigaan hadeer filimkiisi udambeyay ee uu kasoo muuqday wuxuu ahaa Chaar Dinki Chaandni kaaso uu kumatalay doorka Prithvi Singh waxaana la daawaday 2012.

Xidigaan filimka uu Bollywoodka ugu jecelyahay ee dooqisa noqday waa filimka Super Star Akshay Kumar iskadiiday inuu hogaamiyo sido kalena Farhan Akhtar markii dambe hogaamiye kanoqday Bhaag Milkha Bhaag kaaso Super Hit weyn noqday.

 

Dhamaad……..

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video