Ranbir Kapoor Ha Inoo Xaqiijiyo In SRK Muuqaal Marti Ah Ku Leeyahay Filimkiisa Jagga Jasoos

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa siweyn la isla dhex maraayay in Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan inuu muuqaal marti ah ku leeyahay filimka Jagga Jasoos ee Director ka yahay Anurag Basu sidoo kalena hogaamiyaal ka yihiin Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif.

Hadaba Ranbir Kapoor iyo Director Anurag Basu waxaa wareysi la yeeshay Faridoon Shahryar oo shabakada Bollywood Hungama u shaqeeyo asigoo ka codsaday inay caddeeyaan in SRK muuqaal marti ah filimka Jagga Jasoos ku leeyahay.

WARAR DHEERAAD AH:

Director Anurag Basu ayaa hadalka ku hormaray wuxuu yiri “Arimo la yaab leh filimka Jagga Jasoos waan kusoo bandhigi doonaa, laakiin ma doonayo inaan ka hadlo arinka Shah Rukh Khan ku aadan, uma maleenayo SRK inuu Jagga Jasoos ku jiro, laakiin atoore kale waa macquul inuu muuqaal marti ah ku yeesho”

Ranbir Kapoor ayaa hadalka sida tooska ah u abaaray wuxuuna yiri “Shah Rukh Khan Jagga Jasoos muuqaal marti ah kuma lahan laakiin hubanti ahaan atoore kale ayaa filimkeena si la yaab leh kaga muuqan doono”

Ranbir Kapoor wuxuu ka mid yahay soo saarayaasha filimka Jagga Jasoos waxaana filimkaan la daawan doonaa 14-ka bisha July ee nagu soo fool leh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video