Salman Khan “Aniga, Aamir Iyo SRK Waxaa Dhamaanteen Naga Awood Badan Akshay Kumar!”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan saxaafada siweyn ayuu ula fal galayaa madaama Jimcadaan tiyaatarada loo saari doono filimkiisa Tubelight.

Sidaa darteed Salman Khan oo haatan taagan heerkiisa ugu sareeyay fanka Hindiya sidoo kalena 7-sano ee ugu dambeesay awoodiisa sii laba jibaaray ayaa Super Star-nimada caan nimada dhinac kale ka fiiriyay.

Salman Khan waxaa la weydiiyay xiligaan Super Star-da fanka Hindiya sida weyn ugu tiirsan yahay wuxuuna ku jawaabay “Marka laga hadlaayo dadka fanka usoo taagnaa bad baadintiisa waa aniga, Aamir, SRK iyo Akshay madaama aan 25-sano ka badan dadka mada daalineynay”

WARAR DHEERAAD AH:

“Maantana weli sidii ayaan saameyn u leenahay laakiin aniga Super Star-ka noogu weyn waxaan u arkaa inuu Akshay Kumar yahay madaama uu sanadkii 4-filim sameyn karo”

“Aniga labo filim ka badan ma sameeyo SRK waa ila mid halka Aamir sanadkii ama labadii sano hal filim sameeyo, marka sidee ula tartami karaa Akshay Kumar oo 12-ka bilood dadka jecel Bollywood-ka mada dadaaliyo”

“Akshay Kumar waa ninka sida adag u shaqeeyo, lacag badan kasbado, shirkadaha faa’iido soo galiyo sidoo kalena dadka mada daaliyo marka anaga intaas iskuma darsan karno”

Salman Khan ayaa balan qaaday inuu sanadka dambe ama sanadaha soo socdo halkii sano sameyn doono sedex filim wuxuuna yiri “Waagii hore waxaan filimo badan u sameyn jirnay si aan lacag badan u kasbano, laakiin hada waqtiga wuu is badalay awood ayaan yeelanay anagoo filimo yar sameeno ayaan lacag badan kasbanaa”

“Balse waxaan hilmaanay taageerayaasheena oo heerkaan nasoo gaarsiiyeen sidaa darteed sanadka dambe iyo wixii ka dambeeyo sedex filim ayaan 12-bilood kasto sameyn doonaa”

Fikradaha Akhristayaasha (14)

  1. muxamed says:

    Waar waa geesi qiraya raga nimada

  2. maxamed haadi says:

    salmaan wuxu kahadlay runta

  3. nuur cabdi kariim qalinle says:

    maantana qaraxyadaas maalatimaadeen filimside waxkalne waan idinka sugeenaa akshay kumar sanadkiiba Shan filmba hakeenee zakariye raking starka xaguu kaga jraa bal noosheeg taasna waa qarisay mise wabkaan soo dhigaa si soomalida qaraxyadaan usheegeesid uqancaan sxb

    • Zakarie Abdi says:

      Walaalkeen maanta caadifad ayaa ku qaaday anaga atoorayaasha isku mid ayay inoo yihiin kaliya wixii Salman Khan dhahay ayaan soo turjunay, mida kale Akshay Kumar xiligaan Boxoffice-ka Salman Khan iyo Aamir Khan oo kaliya ayaa ka awood badan.

  4. faniska srk says:

    zaki walal suaal ku waydina filimka sunil setty iyo shanta gabdhodh qofka marka ugu danbaysa so baxaya ee baskilka wataa ma srk qaar ku murane

  5. Abdirahman says:

    Amir iyo Slman Yaa Awood Badan Filmeside intaad iga hilmamtan Blockbuster iyo Flop Toona
    Kaliya Yaa awood badan?

  6. suleiman says:

    salmaaaaaaan khan atoore kaga damaaabeeyo india oo dhn

  7. Fan of shraddha kapoor says:

    Nay Waa yaabe dadka ayagoon wax aqrin maxey shabakada ku maagaan

  8. Mataan Ciideed says:

    Hota runtaad ka hadashay dheh laakin marka aad sadex filim samaysid waxaad doonaysaa sadexda fasax ee uugu waawayn inaad saarato markaa

  9. qalbi holcay maseerlowga xaafada says:

    Salman Khan hada hindiya oo dhan asaga ayaa ugu awood bdn taasi lama xaqiraaya
    xitaa kuwa kuguuleystey film fare

  10. filimfare says:

    awood walba halahaado salmaan Filmfare award waligiis ma dhadhamin messi iyo Rinaldo Bollywood kama noqan sxb sare ranbir oo hada dhaw labo d,oro oo heysta srk 8 uu Ku fadha salman sxb sanadahan so socda allaha Ku sahlo San dhaheyna




Featured Video