Top Seventh Week: Baahubali Kaalintee Ayuu Ka Galay Filimada Todobaadka 7-aad Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Inaba caadi ma ahan filimka Bahubali – The Conclusion todobaadkiisa 7-aad wuxuu keenay 2.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay qaybtiis Af Hindiga lagu daawanayo.

Baahubali 2 qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo ganacsigiisa wuu soo gaba gaboobi rabaa wuxuuna ku istaagi doonaa 508 Crore oo nadiif ah iyo 705 Crore lacagaha guud canshuurta ka hor.

Tani waxay ka dhigtay inuu noqday filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa 5-aad taariikhda fanka Hindiya wuxuuna Baahubali 2 ka lacag badiyay isbuuca 7-aad Blockbusters siweyn loo jecel yahay sida Kuch Kuch Hota Hai iyo Kaho Naa… Pyaar Hai.

Baahubali 2 todobaadiisa 7-aad wuxuu dhameestay 50-maalmood oo uu tiyaatarada saarnaa waxaana laga daawanayay 350-tiyaatar qaybta Af Hindiga lagu daawanayo oo kaliya waana arin lala yaabay asigoo tiyaataro kooban laga daawanayo uu keeno 2.50 Crore.

Baahubali 2 marka lala bar bar dhigo Blockbusters-da xiligaan casriga ah Boxoffice-ka gil gileen siweyn ayuu kaga lacag badiyay todobaadkooda 7-aad waayo Dangal wuxuu keenay 97 lakh isbuuciisa 7-aad halka Bajrangi Bhaijaan uu keenay 65 Lakh isbuuciisa 7-aad sidoo kalena PK wuxuu keenay 45 Lakh isbuuciisa 7-aad.

Fadlan hoos kaga bogo filimada todobaadka 7-aad lacagaha ugu badan soo xareeyeen sida diiwaanka shabakada Boxoffice India ku keedsan iyo Baahubali 2 kaalinta uu soo hiigsaday:

1. Gadar Ek Prem Katha (2001) – 4.95 Crore

 

2. Lage Raho Munnabhai (2006) – 2.96 Crore (Waxaa canshuurta laga dhaafay Maharashtra iyo Delhi)

 

3. Raja Hindustani (1996) – 2.84 Crore

 

WARAR DHEERAAD AH:

4. Dilwale dulhania Le Jayenge – 2.66 Crore

 

5. Bahubali 2 (2017) – 2.54 Crore (Qaybta Af Hindiga Lagu Daawanayo) 

 

6. 3 idiots (2009) – 2.49 Crore

 

7. Kuch Kuch Hota Hai (1998) – 2.48 Crore

 

8. Kaho Naa… Pyaar Hai (200) – 2.38 Crore

 

9. No Entry (2005) – 2.37 Crore

 

10. Kabhi Kushi Kabhie Gham – 2.23 Crore

F.G: Ka hor Baahubali 2 inta uusan safka hore soo galin kaalinta 10-aad waxaa ku jiray Border oo keenay 2.13 Crore isbuciisa 7-aad, balse hada Top 10-ka wuu ka baxay filimkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video