War Cusub Sridevi Gabadheeda Jhanvi Kapoor Oo Sedex Filim Karan Johar La Saxiixan Doonto!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Waxaa jiray dhowr warar hore kuwaaso kala duwana waxayna ku aadanaayen Sridevi Gabadheeda Jhanvi Kapoor qaabkii ay Bollywoodka ugu soo biiri laheyd iyo filimka ay kusoo bixi laheyd.

Mar waxaaa lashegay in Tiger Shroff ay la hogaamin doonto filimka Student of The Year 2 marna waxaa lashegay in mashruuc kale ay dib usameyn doonto asigop Hindi ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse hada waxaad mooda waxaas oodhan in la isaga daba yimid, waayo markaana waxaa lashegay in Karan Johar gabadhan usoo jeestay doonayan in hal sano gudaheeda 3 Filim uu leyahay xidigaan inee u samaeyso.

Waa arin kaloo xiiso leh in Jhanvi ay Karan Johar shirkadiisa Dharma kusoo caan baxdo waayo gabi ahaan dadkii shirkadaan kusoo caan baxeyn manta waa kuwa heer sare gaareyn haba u horeyane xidigi Student of The Year ee kala ahaa Varun, Alia iyo Sidharta.

Dhan kale Sirdevi ayaa wax laga weydiyay sida ay u aragto gabadheeda oo Bollywoodka ku biireyso Sri waxay tiri, “ xaqiiq ahaan aniga kuma faraxsani inee Jhanvi atariisho noqoto oo ay fanka soo gasho, waayo aniga ayaa meeshan oga soo horeyay.”

“taaso micnaheedu ma aha waa shirkad xun, balse waalid walba ayaa sidaa jecel, waxa ifarxad galinaayo oo aan aad ugu farxayo waa inaa arkaa guurkeda balse farxadeda ayaa waxwalbo igala weyn, hadii ay noqoto atariisho weyn oo magac leh anigana waxaan noqonayaa hooyo lagu faani karo.”

Dhanka kale Saif Ali Khan gabadhiisa Sara Ali Khan iyo Jhanvi ayaa noqdeen haatan labo gabdho oo isku dhow saaxiibo qaas ahna ah xalay waxaa laga soo qabtay ayagoo Airport ga kasoo daganayaan sawiro, jiilka cusub ee Bollywoodka dhamaan waan idin wada sugeynaa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video