7-Arimood Oo Filimka Tubelight Loo Daawan Doono Iyo Xiisaha Uu Leeyahay (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Tubelight maalinta berito ah ayaa tiyaatarada laga daawan doonaa waxaana hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan halka Kabir Khan uu Director ka yahay.

Hadaba filimkaan hadal heyntiisa aadka u sareyso waxaan idiin heynaa 7-arimood oo kugu qasbaayo inaa Tubelight daawatid ama xiiso gaar ah u yeelayo:

1. Salman Khan Iyo Kabir Khan Shaqada Wacan Ee Ka Dhaxeyso: Dib u xasiiso Salman iyo Director Kabir waxay wada sameeyeen filimadii Blockbuster-ka weyn noqdeen Ek Tha Tiger iyo Bajrangi Bhaijaan oo ilaa haatan la jecel yahay, sidaa darteed Tubelight xiisahiisa waa mid cirka ku jiro lana wada sugaayo inuu labadii hore oo kale la mid noqdo.

Kabir Khan and Salman Khan on the sets of Tubelight

2. Om Puri Muuqaaladiisa: Ruug cadaa Om Puri bilawgii sanadkaan ayuu geeriyooday balse Tubelight ayuu wax ka duubay, waxaana la sheegay inuu muuqaalo muhiim ah filimkaan ku leeyahay, sidaa darteed daawadayaasha waxay xiiseenayaan Salman iyo Om Puri inay shaashada wacdaro ka dhigaan.

7 REASONS TO WATCH TUBELIGHT THIS EID

3. Salman Khan Iyo SRK Muuqaalkooda: 10-sano ayaa inoogu dambeesay inay shaashada kasoo wada muuqdaan labada Khan ee awooda badan, Om Shanti Om (2007) ayaa ugu dambeesay inay Salman iyo SRK shaashada kasoo wada muuqdaan, markaana si waali ah ayaa loo sugaa in muuqaalkooda Tubelight lagu arko oo xiiso gaar ah xambaarsan.

7 REASONS TO WATCH TUBELIGHT THIS EID

WARAR DHEERAAD AH:

4. Muusigiiste Pritam: 5-tii sano ee ugu dambeesay Muusigiiste Pritam awood lixaad leh ayuu Bollywood-ka ku qabsaday, waxaa si gaar ah loo jecel yahay Albums-kiisa filimada Ae Dil Hai Mushkil, Bajrangi Bhaijaan, Dilwale, Barfi, Cocktail sidoo kalena muusigada filimka Tubelight waa mid haatan la hadal haayo.

7 REASONS TO WATCH TUBELIGHT THIS EID

5. Dagaalka Hindiya Iyo China Dhex Maray: Tubelight sheekadiisa waxaa lagu dhex lifaaqay dagaalkii Hindiya iyo China dhex maray sanadii 1962, murankii Hindiya iyo China ku dhex maray buuraha Himalaya wuxuu sababay dagaal dhex maray labadaan dal weliba Hindiya looga awood badiyay madaama Hindiya xiligaas militari ahaan tababar yaraayeen.

7 REASONS TO WATCH TUBELIGHT THIS EID

Hadaba waxaa la wada sugayaa qaabka dagaalkaan fariin ahaan filimka Tubelight loogu soo gudbin doono iyo waxa laga daawadayaasha ka dhihi doonaan.

6. Salman Khan Iyo Sohail Khan: Labada walaalaha ah 7-sano kadib ayay shaashada kasoo wada muuqanayaan, waxayna fariinta filimka Tubelight ku dhisan tahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeyo Salman iyo Sohail iyo dareenka qiirada badan ee filimkaan kusoo bandhigeen.

7. Salman Khan: ugu dambeyntii Tubelight waxa ugu weyn ee loo daawan doono waa Salman Khan oo markaan shaashada qof caadi ah ku matalaayo.

7 REASONS TO WATCH TUBELIGHT THIS EID

Waana waxa sida loo wada fiirin doono Salman bandhigiisa dabiiciga ah madaama Director Kabir Khan uu ku tilmaamay Tubelight filimka ugu bandhiga wanaagsan ee Salman sameeyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video