Sababta Dhabta Ah Ee Atirishada Zhu Zhu Filimka Tubelight Xayeysiintiisa Kaga Qayb Qaadan Weesay Oo La Ogaaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atirishada reer China Zhu Zhu door muhiim ah ayay ku leedahay filimka Tubelight ee Mega Star Salman Khan hogaamiye ka yahay lana daawan doono maalinta Jimcada ah (23 June 2017).

Balse Zhu Zhu kama qayb qaadanin xayeysiintii balaarneyd ee filimka Tubelight gudaha Hindiya loogu sameenayay dhowrkii todobaad ee ugu dambeesay waxaana arinkaas la iska weydiiyay su’aalo kala duwan.

WARAR DHEERAAD AH:

Director Kabir Khan maalmo ka hor wuxuu sheegay in Zhu Zhu hawlo kale ku mashquulsan tahay ina suura galeyn inay Hindiya usoo safarto.

Balse dad aad ugu dhowr Zhu Zhu waxay sheegeen in dowlada China ay u diiday inay atirishadaan usoo safarto gudaha Hindiya madaama waaxda socdaalka China la dhacsaneyn qaabka loo dhigay fariinta filimka Tubelight oo ka hadlaayo dagaalkii Hindiya iyo China dhex maray sanadii 1962.

Sidaa darteed waaxda socdaalka China waxay u diideen Zhu Zhu inay Hindiya usoo safarto sidoo kalena waxaa lagu amray inay ka gaabsato xayeysiimaha filimkaan madaama aysan hubin China fariinta filimkaan qaabka loo dhigay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video