Waa Maxay Arimaha Sababi Karo In Filimka Tubelight Ka Hor Istaagaan Inuu Blockbuster Noqdo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka weyn Tubelight waxaa ka harsan daawashadiisa gudaha Hindiya saacado kooban sidaa darteed warbixin walbo oo ku saabsan inaan idinla wadaagno diyaar ayaan u nahay.

Filim walbo wuxuu leeyahay waxyaabo guul u horseedi karo iyo waxyaabo guushiisa caqabad ku noqon karaan waxaana horey idin kula wadaagnay 7-arimood oo Tubelight guul weyn u horseedi karaan.

Markaana waxaan idiin heynaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee caqabad ku noqon karaan in filimka Tubelight darajada Blockbuster gaaro:

Kabir Khan: waa Director weyn oo guusha u saaxiib ah laakiin walaaca la qabo waxay tahay filimadiisa kuwa uu sheekadooda isaga qoray sida Kabul Express, Phantom ganacsi ahaan wey guul dareesteen.

Haatan Kabir Khan isaga ayaa qoray sheekada Tubelight sidaa darteed waxaa la qabaa walaac in Kabir sheekada wax ka qaldo midaasna sababto in filimkaan Blockbuster noqonin.

WARAR DHEERAAD AH:

Sohail Iyo Salman: wada shaqeynta labada walaalo inta badan waa mid guul daro u saaxiib ah marka laga reebo Maine Pyaar Kyun Kiya? oo guul wacan gaaray, dhamaan filimada kale ee labadaan walaalo isla sameeyeen muuqaal dhameestiran ama mid marti ah ganacsi ahaan dhulka ayay galeen sidaa Hello, Heroes, God Tussi Great Ho, Salaam-e-Ishq, Main Aurr Mrs Khanna, iyo Veer.

Sidoo kale Sohail asigoo Director ah Salman wuxuu u sameeyay 4-filim kaliya Pyaar Kiya Toh Darna Kya ayaa Hit rasmi ah ka noqday inta kale waa fashilmeen Auzaar (Flop), Hello Brother (Flop), iyo Jai Ho (Semi Hit).

Sidaa darteed Salman iyo Sohail wada shaqeyntooda waa mid guul daro u saaxiib ah midaasna waxay abuuri kartaa walaac ah in Tubelight darajada Blockbuster gaarin.

Tubelight Sheekadiisa: waxaa la xaqiijiyay in filimka Tubelight sheekadiisa laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah The Little Boy kaasi oo sanadii 2015 Flop noqday.

Horey Bollywood-ka filimo Hollywood oo Flop ah markay dib u sameeyeen guul daro ayay kala kulmeen sida Knight and Day (Flop) waxaa laga Copy gareeyay Bang Bang (Semi Hit) halka Warrior (Flop) isagana laga soo xigtay sheekada filimka Brothers (Flop).

Sida darteed sheekada Tubelight hadii 100% ku saleesan tahay filimka Little Boy oo horey Flop u noqday waxaa la qabaa walaac ah in Salman Khan filimkiisa darajada Blockbuster gaari waayo.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. ccm says:

    waad ku mahadsantihiin dadaalka aad noo heeysaan
    hadaan ka hadlo ra’yi ahaanteeyda wax kasto waa macquul inta aad sheegteen waa laga yaabaa iney ka hor istaagaan darajada blockbuster inkastoo salman khan heerkii ugu sareeysay taaganyahay

  2. King Mubarak says:

    Wa macquul hadalkasi lkn salman lalsonida uu kuqabo filankan aad ayay uwayntahay isaga ayana granaya fans kisubwxy jecelyhiin marka wxy ilatay sallu inu kalsoni ku qabo flimkan ayna kaheli donan fans kisu

  3. maxamed haadi says:

    lkn salman hadda jiro wuxu ku jira xiligii ugu wanaagsana ee fankiisa kaliya dadka waxey uxiiso qabaan wajigiisa iskada inuu film kasoo muuqdo




Featured Video