Waxaa Si Rasmi Ah Shaaca Looga Qaaday Filimka Tubelight Tiyaatarada Laga Daawan Doono Dibad Iyo Dal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kooxda filimka Tubelight iska leh waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in filimkaan weyn laga daawan doono 5500 tiyaatar oo gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka isugu jiraan.

Tubelight gudaha Hindiya oo kaliya waxaa laga daawan doonaa 4350 tiyaatar sidoo kalena suuqyada caalamka waxaa laga daawan doonaa 1200 tiyaatar.

Mega Star Salman filimkiisa Tubelight wuxuu ka mid noqday filimada tiyaatarada ugu badan laga daawado taariikh ahaan waxaana la filaa in ganacsi waali ah uu sameyn doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo Salman Khan filimadiisii ugu dambeeyeen ee Ciidul Fitriga la daawaday iyo mid walbo tiyaatarada la saaray gudaha Hindiya:

Tubelight: 4350  tiyaatar

Sultan: 4350  tiyaatar

Bajrangi Bhaijaan: 4100  tiyaatar

Kick: 3800 tiyaatar

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. luqman said says:

    maxad u lahaydeen bahubali ayu recordka kala waregay xaga tiyatarada




Featured Video