Boxoffice Update: Filimka Tubelight Oo Si Wanaagsan Ku Furmay Wuxuuna Ku Xoogan Yahay Waqooyiga Hindiya

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Tubelight ee Mega Star Salman Khan hogaamiye ka yahay ayaa si wanaagsan subaxaan gudaha Hindiya kaga furmay sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Tubelight wuxuu ku furmay subaxaan 35% ilaa 40% dhamaan gobolada Hindiya weliba wuxuu si aad u wanaagsan kaga furmay gobolada Waqooyiga Hindiya sida Delhi iyo Punjab.

Sida muuqato qaabka uu Tubelight ku furmay waxba uma dhimin Ramadan-ka gaba gabadiisa ama Ciidul Fitriga ka hor oo inta badan filimada xiligaas i hooseeyo ku furmaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Marka laga hadlaayo filimada guud ee sanadkaan la daawaday Tubelight wuxuu noqday filimka sedexaad ee ugu bilaabashada wanaagsan kaliya Baahubali 2 iyo Raees ayaa ka bilaabasho wanaagsan.

Tubelight oo la saaray 4400 tiyaatar waxaa caqabad ku noqotay filimkaan in Salman Khan atoore geesi ah oo dagaal ama mada daalo sameenayo filimkaan ku jileynin sidaa darteed saakay dad badan ayaa ka baaqsadeen daawashada Tubelight si ay kaga war sugaan dadka soo daawadeen waxa ay ka dhahan amaan iyo xumaan.

Sidoo kale Salman Khan filimadiisii ugu dambeeyay ee Ciidaha la daawaday Sultan, Bajrangi Bhaihaan iyo Kick sida ay ku furmeen magaalooyinka yar yar Tubelight wuu ka liitaa waxaana ugu wacan in filimadaas hadal heyntooda cirka ku jirtay markii tiyaatarada la saarayay.

Tubelight bilaabashadiisa waa mid wanaagsan laakiin sida laga filaayay iyo hanka laga qabay marka lala bar bar dhigo waxaa jiro niyad madaama Mega Star Salman Khan oo xiligaan awoodiisa cirka mareyso filimkaan hogaamiye ka yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video