Filimka Hindi Medium Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay In Ka Badan Sedex Laabo Ku Dhawaad Ayuu Soo Xareeyay!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Irfan Khan iyo Sabba Qamar filimkooda Hindi Medium waxaa tiyaatarada la saaray 19-kii May 2017 ayadoo rajo badan lala qabin weliba waxaa tiyaatarada lala saaray filimkii weynaa Half Girlfriend.

Mudo 5-todobaad ee uu tiyaatarada saaran yahay haatan wuxuu keenay lacago ku dhawaad sedex laab ka badan lacagaha lagu qarash gareeyay sidoo kalena kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen lacago ka badan inta lagu qarash gareeyay!

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Hindi Medium wuxuu todobaadkiisa 5-aad keenay 3.25 Crore haatana wadartiisa guud waxay mareysaa 62.50 Crore (Trade Figure) ganacsi kalena kuma sii darsan karo madaama tiyaatarada uu la wareegay filimka weyn Tubelight.

WARAR DHEERAAD AH:

Hindi Medium waxaa lagu qarash gareeyay 23 Crore sidaa darteed ku dhawaad sedex laab lacagaha lagu qarash gareeyay ka badan ayuu tiyaatarada kasoo xareeyay!

Sidoo kalena Hindi Medium oo lagu qarash gareeyay 23 Crore waxaa saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen 26 Crore (Distributor’s share).

Waana arin naadir ah oo aan dhawaanahan la arkin filim iska yar in saamiga laga helay ay ka badan tahay lacagaha lagu qarash gareeyay!

Sidaa darteed Hindi Medium wuxuu noqday Hit weyn oo ay macaash ka heleen qof walbo oo ku lug lahaa kooxda iska leh, kuwa cajaladaha qeybiyeen iyo kuwa tiyaatarada iska leh oo iyagana ka heleen 36.50 Crore (Exhibitor’s share).

Waxaa sare ka muuqato in 58.4% lacagaha filimka Hindi Medium laga helay qaateen kooxda tiyaatarada iska leh halka 41.60% ay qaateen lacagihiisa kooxda cajaladaha qeybiyeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video