Kaalintee Ayuu Tubelight Kaga Jiraa Filimada Tikitkooda Si Hormaris Ah Loo Iibsaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waa wax soo jireen ah marka filim weyn tiyaatarada la saari rabo in lasii bilaabo iibsashada tikitkiisa (Advance Booking) waana halka laga cabir qaadan karo sida filimka daawadayaasha xiiso waali ah ugu qabaan.

Sidaa darteed Mega Star Salman Khan filimkiisa Tubelight inta aan tiyaatarada la saarin maalmo ka hor ayaa la bilaabay in si hormaris ah dadka tikitka looga iibiyay.

Tubelight wuxuu noqday filimka 9-aad ee tikit-yada ugu badan si hormaris ah loo iibsado waana arin wanaagsan balse ma ahan wax weyn madaama laga filaayay Tubelight inuu 5-ta ugu sareyso ka mid noqon karo.

Tubelight ma ahan filim lagu xayeysiiyay in Salman Khan awood balaaran kusoo bandhigaayo waxaana loo xayeysiiyay inuu yahay filim sheekadiisa isku haleenayo oo Salman Khan shaqsi caadi ah ku jilaayo waana siyaasad qaldan oo sababtay in filimkaan tikitkiisa si waali ah hormaris ahaan loo iibsan waayo.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee tikit yadooda sida hormariska ah loo ibsaday kuwooda lacagaha ugu badan laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin:

1. Bahubali – The Conclusion – 31.50 Crore

 

2. Sultan – 21 Crore

 

3. Dangal  – 17.50 Crore

 

4. Prem Ratan Dhan Payo – 16 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

 

5. Dhoom 3 – 14.75 Crore

 

6. Happy New Year  –  13.75 Crore

 

7.  Kick – 13.25 Crore

 

8. Bajrangi Bhajaan – 13 Crore

 

9. Tubelight – 12.50 Crore

 

10. Raees – 12 Crore

F.G: Xogtaan shabakada Boxoffice India ayaa iska leh oo aan kasoo xiganay sida filimada lacagaha ugu badan looga helay marka tikitkooda si hormaris ah loo iibsaday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video