Kadib Markii Filimka Hindi Medium Hit Weyn Ka Noqday India Markaan Waxaa La Qorsheynayaa Dalal Kale In Laga Daawado!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Filimka Hindi Medium ee uu Irrfan Khan hogaamiyaha ka yahay ayaa la filaa in laga daawado suuqyada Asia qeybo kamid ah sido kale waxaa la qorsheynaya in laga daawado Yurub dalal kamid ah, koonfur America iyo qeybo kamid ah Africa.

Hindi Medium waxaa Irrfan Khan kula weheliso atariishada reer Pakistan ee Saba Qamar iyo waliba atoorahii ku caanbaxay filimka “Tanu Weds Manu”  Deepak Dobriyal.

Filimka Hindi Medium waaa sheeko ay dadka si aad ah usoo dhaweyeen oona xambaarsan fariin kahadleesa waxbarashada.

WARAR DHEERAAD AH:

nin kamid ah nimanka arimaha ganacsiga aflaamta ka hadla sido kalena kamid ah kuwa cajaladaha qeybiya Vibha Chopra wuxuu yiri,”Hindi Medium waa filim weyn oo ka gadmay dhulkiisa hooyo aadna ay usoo dhaweyeen dadka Indian ka ah, hadaba waxaan dooneynaa markaan in laga daawado filimkaan caalamka.”

” waa filim fariin waaqici ah xambaarsan sidaa awged dadka India sidee usoo dhaweyeen ayeenasido kale usoo dhaweyn doonan daafaha caalamka mana dhici doonto in furssadaas la iska beel dareyo.”

Filimka Hindi Medium waa fariin ka hadleysa waalidiin doonayaan inee gabadhooda waxbarasho tayo leh barato sidaa awged mana ah dadka dabaqada sare ku nool rafaad badan ayeena kala kulmayaan inee gabadhooda waxbarasho tayo leh kuhesho.

filimkaan oo la rajeyn doono in laga daawado dalalka ay kamid yihiin Britain, the US, Canada, Australia iyo New Zealand, waxaan sugnaaba inee dadkaas soo dhaweyn doonan sheekada heerka sare ah ee filimkaan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video