Madadaalada Maanta: Sheeko xiiso Leh Oo Qosol Badan Ka Bogosho Wacan (Funny Time)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">
Waa Markale iyo barnaamijkeeni aan oga hadleenay madadaalada maanta oo aan aalaba kusoo qaadano sheekyinka qosolka si aan ugu madadaalino aqristayaashena sharafta leh.
hadaba maanta waxaanu  soo qaadaneynaa mid kamid ah sheekoyinkas hadii aad horey umaqashay iyo hadii kaleba kabogosho wacan.

waxaa jireyn laba nin oo saaxiibbo ah majlisna ku wada mirqaama ayaa labada nin mid waliba waxa uu lahaa dabeecad u gaar ah, dabeecaddaasi oo sida caadiga ah mid waliba marka uu mirqaamo ku dhaqmi jirayHaddaba, Fayaan ina Faduul waxa caado u ahayd marka uu mirqaamayo in shaaha aanu ku shuban jirin falaas ee kildhiga shaaha lagu kariyo isaga loogu keeno shaahiisa, waayo haddii falaas loogu keeno markasta mirqaanku wuxuu tusayaa falaastii oo ka dhacday amma ku qaraxday,  sidaa awgeed waxa mirqaanku ku kallifay inuu kildhigaasi shaaha ku isticmaalo mar hadduu mirqaamana shaaha qabawgiisa iyo kulaylkiisa waxba kama galin isaga

WARAR DHEERAAD AH:

Dakharre waa nin siduu qaad u cunaayey daandaamay waxa u caado ahayd marka uu qayilo ee uu qarxiska iyo biyo raaciskaba isku daro in labada lugoodba cuncunaan

Haddaba waxa is dhinac fadhiistay Fayaan ina Faduul iyo Dakharre.  markii la iska wada qayilay ee sheekadu meel macaan u marayso oo labadooduba mirqaan mid waliba dhiniciisa u shabeel raacinayo ayaa waxa la soo gaadhey xilligii uu Dakharre lugaha xoqan jiray ka dibna wuu iska xoqday haddii muddo rubuc ku dhawaad ah uu xoqanaayey cuncunkiina ka bi’I waayey waxa si kadis ah u soo jeestay Fayaan waxaanu ku war helay dhacdo layaab leh Shaw Dakharre lugtiisiiba ma xoqayo ee wuxuu xoqayaa lugtii Fayaan sheeko waa tan dambaysee Fayaan wuxuu yidhi saaxiib ciyaarta iga daa ciyaari waa galin dambe Dakharre wuxuu moodayaa inuu saxibkii la kaftamayo laakiin Fayaan wuxuu garawsaday in saaxiibkii mirqaamay waxaanu gacanta qabtay Dakharre waxaanu tusay gacantiisii oo dul taalla bawdada amma lugta Fayaan Dakharre wuxuu ogaaday inuu caawoo dhan xoqaayey lugta saaxiibkii ka dibna wuxuu is yidhi Dakharre khajilaadda iska bii oo kaadi tag waxaanu si fudud u qaatay kildhigii Fayaan oo immikuun dabka laga soo qaaday waxaanu la galay suuliga kkkkkkkkkk wixii ka dhacaybaa ka dhacay.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Unknown says:

    Ķkkkkkkkkkkk aar waaaa sheeko qosol leh
    madaraqii baa gubtay baan I malanyaa anigu

  2. qoslaaye says:

    Kkkkkkkkk
    Walee aadbaan uqoslay mirqaan waalanbaa kadhacay Lkn fayaan shaah la,aanbaa halkaaga kaga soo baxaday

  3. aniso mxamed says:

    hhhhhhhbhhhhhhhhhhhhh war mxaa kla hysta rag iyo marqaan




Featured Video