Noon Update: Filimka Tubelight Oo Sare U Kac Fiican Sameeyay Duhurkaan Xiliga Hindiya

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tubelight maanta subaxdii hore xiliga Hindiya ayaa tiyaatarada la saaray wuxuuna ku furmay si dhex dhexaad ah 35% ilaa 40% balse Waqooyiga Hindiya ayuu ku xooganaa taasi oo keentay in bilaabashadiisa mid wanaagsan noqoto.

Waxaa haatan lasoo tabinayaa xiliga duhurka Hindiya in filimka Tubelight sare u kac fiican sameeyay haatana uu maraayo 60% weliba si wacan wuxuu kaga gadmayaa tiyaatarada Multiplex ee dadka dabaqada sare usoo daawasho tagaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Tubelight waa inuu caawo fiidkii sare u kac xoogan sameeyaa si maalinta kowaad ganacsigiisa u noqdo mid wacan waayo sidii laga filaayay kuma uusan furmin subaxdii hore.

Qaabka uu ku socdo filimka Tubelight marka laga cabir qaato maalintiisa kowaad 20 Crore waxbaa u raaci doonaan madaama 4400 tiyaatar laga daawanayo.

Salman Khan filimkiisa waxaa la saaray Ciida ka hor ama xiliga loo yaqaan Pre-Eid sidaa darteed sedexda maalmood ee ugu horeyso ganacsiga uu sameeyo waxaa looga cabir qaadan doonaa halka uu hiigsan doono marka ay bilaabato feestada Ciidul Fitriga wixii ka dambeeyo Isniinta.

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. ramos says:

    salman khan waa fashilmay awood haduu leyahay haku badbadiyo filmkan hore filmo sheeko fiican watay saas ayee ku gadmayeen asagoo tiyaatarada kali ku ahay ayuu ku fashilmay

  2. maxamed haadi says:

    sxb zaki kgader khan aya dhintay aya ladhahay ee maxa kajira

    • Zakarie Abdi says:

      Sxb sare Kader Khan ma geeriyoonin waa been mida kale shabakeena maxayba u jirtaa hadii aysan idinla wadaagi karin aqbaar sidaas u weyn!

  3. maxamed haadi says:

    thanks sxp zaki

  4. maxamed haadi says:

    bro zaki waad mahadsantahay sxp




Featured Video