Rasmi: Filimka Shactirada Badan Bank Chor Oo Hal Todobaad Flop Ku Noqday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Reteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi wey bad baadin waayeen filimka Bank Chor madaama uu hal todobaad Flop ku noqday ama ku guul dareestay.

Filimka Bank Chor wuxuu keenay todobaadkiisa kowaad 7.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay waana ganacsi aad u liito.

WARAR DHEERAAD AH:

Bank Chor waxaa lagu qarash gareeyay 15 Crore sidaa darteed filimkaan cimri ahaantiisa 10 Crore xitaa ma gaari doono waana filim la xaqiijiyay inuu Flop yahay.

Reteish Deshmuk culeeska ayaa kusii badanaayo madaama sedexda filim ee ugu dambeeyay uu hogaamiyaha ka ahaa Bangistan, Banjo iyo Bank Chor oo xarafka B ka wada bilaawdeen dhamaantooda wada guul dareesteen.

Waa inuu dib ugu laabtaa siyaasadii uu fanka inuu ka waaro sabab u ahayd oo ah doorkiisa caawiyenimo iyo inuu filimada waa weyn wax ka jilo ee atoorayaasha labo ilaa sedex kasoo wada muuqdaan sidii lagu yaqiinay xidigaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video