Sheekada Filimka Duvvada Jagannadham (DJ): Allu Arjun Kaligiis Ma Bad Baadin Karo Filimkaan Aan Nuxurka Laheyn!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa maanta si rasmi ah tiyaatarada loo saaray filimka Telugu ah Duvvada Jagannadham (DJ) ee sida weyn loo sugaayay waxaana hogaamiye ka ah Stylish Actor Allu Arjun.

Jilaayaasha filimkaan: Allu Arjun, Pooja Hegde, Rao Ramesh, Subbaraju, Vennela Kishore, Murali Sharma

Director: Harish Shankar

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 40 daqiiqo

Duvvada Jagannadham (Allu Arjun) waa wiil dagan oo ku xiran mandarka sidoo kalena wadaad diimeed ah wuxuuna maamulaa ganacsiga reerkiisa ku leeyihiin xaafada Vijayawada.

DJ waa wiil maskiin ah sidoo kalena dadka jecel inuu caawiyo waxaa u dheer intaas inuu jecel yahay marwalbo dhanka wanaaga inuu wax ka abaaro.

DJ asigoo caawinaad ka helaayo sarkaalka lagu magacaabo Murali Sharma waxay ka hawl galanayaan magaalada Hyderabad si ay burcadka gacanta ugu soo dhigaan xili walbo.

Kulan qoysaska isugu imaadeen wuxuu DJ ku baranaa Pooja (Pooja Hegde) kadibna gabadhaan quruxda badan ayuu jecel u qaadaa iyo sidii uu ku kasban lahaa.

DJ noloshiisa waxay is badalee marka uu ogaado in shirkad gaar loo leeyahay dadka deegaanka qayaantay ayadoo lacagaha ay dadka keed ahaan u dhigteen ku qabsatay ganacsi bulshada halis ku ah.

Hadaba DJ oo waji qamarjinimo lasoo baxaayo dadka deegaankiisa lacagta laga dhacay dib ma ugu soo celin doonaa halis walbana maka difaaci doonaa?

Maxaa Laga Yiri Sheekada Filimka DJ:

WARAR DHEERAAD AH:

DJ waa filim isku dhacan qaybtiisa hore waa la daawan karaa halka qaybta dambe ay aad u liidato madaama la ogyahay talaabo walbo Allu Arjun qaadayo iyo sheekada oo noqoneyso mid si sahlan isku fur fureyso halkii daawadayaasha laga yaabin lahaa.

Allu Arjun doorkiisa wadaadnimo ee mandarka ka shaqeeyo ayaa ah mid shactiro badan oo filimkaan loo daawan karo laakiin qaybaha dambe oo filimkan aad u liito iyo sheekadiisa oo dayacaad ka muuqato ayaa wax walbo bur buriyeen.

Bandhiga Jilaayaasha: 

Allu Arjun xarago dheeraad ah ayuu kusoo bandhigay doorkiisa DJ wuxuuna sameeyay wax walbo oo uu daawadayaasha kusoo jiidan karo laakiin filim sheekadiisa liidato qof sare u qaadi karo ma jiro.

Pooja Hegde filimkaan wax badan kuma lahan kaliya waxay ugu jirtaa inay heesaha Allu Arjun la qaado iyo muuqaaladiisa quruxda badan oo kusii jiidanayaan.

Gunaanad:

DJ waa filim sheekadiisa waa hore laga soo gudbay xoogaa Allu Arjun bandhigiisa wacan ayaa loo daawan karaa laakiin fariin cusub ma ahan sidoo kalena isku xirkiisa ma toosno waa filim halka saac ee hore shaqo laga qabtay qaybta dambena la iska hilmaamay.

Dhanka Boxoffice filimkaan 77 Crore ku iibsadeen kooxda cajaladaha qeybiyaan shaqo xoog leh ayaa hortaalo todobaadkiisa kowaad waa macquul inuu ganacsi fiican sameeyo feestada Ciidul Fitriga awgeed balse kadib hoos u dhac weyn ayuu sameyn doonaa.

Waxay u badnaan doontaa in filimka DJ ku dhamaan doono darajo ahaan inuu Average noqdo ama lacagtiisa soo celiyo waa hadii caqabadaha horyaalo ka bad baado.

Dadka filimada ka faaloodaan filimka DJ waxay siiyeen 2-dhibcood 5-ta dhibcood ee wax lagu qiimeeyo 2/5 sidaa darteed waa filim sheekadiisa aad u liidato.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka DJ:

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. luqman said says:

    sakariye away sheekada filimka salman khan ee tubelite




Featured Video