Tubelight Sheekadiisa Hadii Ay Liidato Awooda Salman Khan Hit Maku Noqon Karaa?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan dood kama taagno inuu yahay atooraha ugu awooda badan xiligaan Bollywood-ka madaama 7-dii sano ee ugu dambeesay uu sameeyay 7-filim oo Blockbuster ah.

Sidoo kalena labadiisii filim ee ugu dambeeyeen Bajrangi Bhaijaan iyo Sultan darajada 300 Crore waxay ku gaareen 12-bilood gudaheeda waana arin adag.

Tubelight maanta ayaa tiyaatarada la saaray ayadoo rajo weyn laga qabo inuu Blockbuster noqon doono wuxuuna Salman Khan adeegsanaayay 7-dii sano ee ugu dambeesay qaacido ama formula u gaar ah:

Salman Khan Star Power + Good Content (filim sheeko wanaagsan) = Blockbuster Movie

Laakiin qaacidada Salman Khan maanta waxbaa ka qaldan madaama filimkiisa Tubelight sheeko ahaan dhaliil weyn loo soo jeediyay laguna tilmaamay mid ka mid ah filimada ugu sheekada liito ee uu dhawaanahan sameeyo.

Salman Khan Awoodiisa Aan Taxliil Kooban Ku Sameyno:

Bajrangi Bhaijaan 200 Crore fagta hore wuxuu ku keenay awooda Salman kadib sheekadiisa markii dadka oo dhan ka wada heleen wuxuu ganacsigiisa ku darsaday 115 Crore (soo dhaweynta uu helay) taasi oo cimri ahaantiisa gaarsiisay 315 Crore waxay isugu jirtaa 200 Crore awooda Salman Khan 115 Crore waxay ku timid sheekadiisa wanaagsan.

Sultan sidoo kale 200 Crore wuxuu ku gaaray awooda Salman Khan (Star Power of Salman Khan) sidoo kalena 100 Crore dheeri ah wuxuu ku darsaday in dadka sheekadiisa soo dhaweeyeen dhinac walbo.

Taasi waxay sababtay in Sultan cimri ahaantiisa gaaro 300 Crore waxay isugu jirtaa 200 Crore awooda Salman Khan 100 Crore waxay ku timid sheekadiisa wanaagsan.

Aan ku dabaqno filimka Tubelight wadadii ay mareen filimada Bajrangi Bhaijaan iyo Sultan:

Waa hubaal 200 Crore Tubelight wuxuu keeni doonaa awooda Salman Khan  (Star Power of Salman Khan) todobaadkiisa kowaad ama 10-ka maalmood ee ugu horeyso.

WARAR DHEERAAD AH:

Dooda taagan waxay tahay Tubelight sheeko ahaan wuu liitaa imiso ayuu ganacsigiisa ku darsan karaa marka awooda Salman Khan laga soo tago?

Madaama sheekadiisa dhaliil xoogan la kulmaayo Tubelight 50 Crore ilaa 70 Crore ka badan ganacsigiisa kuma darsan karo hadii meel la iska dhigo awooda Salman Khan.

Sidaa darteed Tubelight cimri ahaantiisa 250 Crore ilaa 270 Crore ma dhaafi doono darajo ahaana Hit dhameestiran ayuu noqon doonaa waa hadii la raaco xeerkii Salman Khan Hindiya ku qabsaday 7-dii sano ee ugu dambeesay.

Ma Dhacday 7-dii Sano Ee Ugu Dambeesay Salman Filimadiisa Liitaan Inay Guuleesteen?

Filimkii Jai Hao (2014) ayuu Salman Khan la yimid asigoo sanadii 2013 wax filim ah sameyn waxaana Jai Ho la daawaday maalinta Jamhuuriga Hindiya.

Sidaa darteed Jai Hao oo sheekadiisa dhaliil xoogan loo soo jeediyay fasax weyna helin wuxuu 100 Crore ku keenay awooda Salman Khan halka 9 Crore uu ku darsaday marka awooda Salman meel la iska dhigo wuxuuna cimri ahaantiisa keenay 109 Crore asigoo Semi Hit noqday.

Filimkii Prem Ratan Dhan Payo (2015) isagana sheekadiisa dadka oo dhan ayaa dhaliil xoogan usoo jeediyeen laakiin Salman Khan awoodiisa iyo fasixii Diwali ayuu ayuu ku fagaday.

Filimka Prem Ratan Dhan Payo awooda Salman Khan wuxuu ku keenay 157 Crore todobaadkiisa kowaad kadibna wuxuu ku darsaday 37 Crore todobaadyada kale ee uu tiyaatarada saarnaa.

Sidaa darteed Prem Ratan Dhan Payo oo dhaliil xoogan la kulmay 194 Crore ayuu cimri ahaantiisa keenay wuxuuna noqday Hit oo weliba Salman Khan awoodiisa ayuu ku bad baaday.

Gunaanad:

Salman Khan awoodiisa filimka Tubelight Hit makaga dhigi karaa?

Hadii ay dhacdo inuu Blockbuster ka dhigo Tubelight waxay noqon doontaa in Salman Khan mashruuc kasto oo uu sameeyo sheekadiisa hadii ay xun tahay ama wanaagsan tahay Blockbuster ka dhigi karo?

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. cali says:

    ninkani waa awoodaa lkn filimside intaan akhrsanayay filimka kasta oo tiyaatarada lazaaro way caynaayeyn
    iyagoo leh hadaad thy tageero daawo
    filimka lkn hadaadan tageerin aktarkaaz hadaawan
    the mummy
    ayey dheheen waa qaab xunyahay lkn guulaysay
    zidoo kalena tube light wuu guulayzanaa
    boqolkiiba lixdan dadka india sallu bhai bay taageeraan
    labada cisho hore dhexdhexaad ayuu kuzocanayaa
    maalinta kooxaha hindidu ciidaan ayuuu
    zare ukac boqlkiiba konton ah
    zidaa darteed website yada qaar ayaa sheegayay in filimkaan daafaha caalamka kuwacnhy iyadoo aysan ciid ahayn
    FILIMSIDE YEYSAAAN KU CEEBOOBIN SALMAN KHAN MAAHA KANI KUWAAD INTAAD TIRAAHDAAN WAA BILAA NUXUR GUULDARAYSANAY
    KANI WAA SALMAN 2SANOO DAMBE HADUU BOLOCKBUSTERO KEENO MAGACA HINDIYA IZAGAA LAWAREEGAYA

  2. praphase says:

    Ultima haduu si kasta u or do 200CRORE south actor BAHUBALI iskoorkii bahubali2 AYAA KU ARBAABAN BOLLYWOOD YAA KA FUJIN

  3. Being suleiman says:

    insha allah blockbustor weyn ayaan u rajeynayaa waana la hubaa insha allah

  4. yasmine yasin says:

    wuu noqon block bustor wayn wayo actorku waa salman khan

  5. luqman said says:

    sxb sakariye waxad mesha kasaartay inay tahay ciid oo waliba an filim kale lala saaray hadi salman khan awood leyahay ama tageere ciid kali ma fiirsadeen ee malintu so gaaro ayu sari laha sxb wad buunbunisan ninkan hada labadisa filim ee sanadkan labada ciid ayu kubeegay wu ogyahay waqti kale inusan hit xita keni karin

  6. luqman said says:

    7 sano ee ugu dambaysay jai ho marka laga so tago inta kale ciido wawayn aya lo saaray wayna u guulesten lkn jai ho oo jamhuri day lo saray xita wu badbadi wayay sahrukh khan filimkisa raees isago sheekadisa xumayd hadana filim wayn lala saaray ayu ka bilabasho wanagsan yahay marka hadi u filimkan badbado wuxu kubadbaday ciidul fidriga & tiyatarada uu kaligis ku yahay ma ahane salman khan atorayasha waxba ma dhera ee waxa caawiyay fasaxa & filiman sheko wanagsan hana layga raali ahado hadi an shekada dhereyay fakarkaygan ka hadlay




Featured Video