War Cusub Filimka Tiger Zinda Hai Ee Salman Khan Iyo Katrina Kaof Oo Qeyb Sedexaad Laga Sameyn Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Blockbusterka weyn ee taxanaha noqonaayo noqday Tiger kaaso qeybtiisa koowaad Ek Tha Tiger la daawaday sanadkii 2012 halka qeybta labaad la daawan doono sanadkaan dhamaadkiisa Tgier Zinda Hai.

hadaba waxaa lashegay in filimkaan qeyb sedexaad laga sameyn doono taasona xiiso weyn ku abuurtay dhamaan daawadayaasha.

Aditya Chopra iyo Salman Khan ayaa inbadan arinkaan kawada hadleen, waana la hadal hayey in filimkaan qeyb sedexaad laga sameyn doono balse hada waxay u muuqata hadal heyntii inee rumoweyso.

“Aditya Chopra Iyo Salman khan ayaa arinkaan kawada hadlay ku aadan taxanaha Filimka Tiger, sikastee ahaataba qeybta udambeesa filimkaan ama qeybta sedexaad waxay noqon doonta sheeko cajiib badan halka la qorsheynaayo inuu director ka noqdo Ali Abbas Zafar.”

WARAR DHEERAAD AH:

waa ilo kudhow dadka filimkaan iska leh oo sidaa yiri, hadaba filimka Tiger qeybtiisa koowad meeshe ku dhamaatay ayee ka bilaawan doonta qeybta labaad ee ah Tiger Zinda Hai halka qeybta sedexaad ka bilaawan doonto meesha ay kudhamaato qeybta labaad.

Salman Khan iyo Katrina Kaif doorarkooda filimkaan ayee sii wadan doonan qeybta sedexaad ayagoo waliba bandhig layaab leh oo ka duwan labada qeybood ee hore la imaan doonan waxaana la rajeyna duubis in lagu bilaawo 2019 maadama Sallu 2019 ka hor uusan fursad heynin oo waqtigiisa u jadwaleesanyahay asigoo ku mashquulsan mashaariic kale.

dhanka shaqada hader Tiger Zinda Hai waxaa director ka ah Ali Abbas Zafar halka ay hogaamiyaal ka yihiin Salman Khan iyo Katrina Kaif waxaana la daawan doona bisha Dec ee Sanadkaan taaso ku beegan ciida masiixiga.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video