Day 2 Mornig Update: Filimka Tubelight Iyo Maalintiisa Labaad Sida Uu Hindiya Kaga Furmay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tubelight maalinta kowaad wuxuu keenay 20.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay maanta subaxdii hore.

Tubelight maanta oo sabti ah waxay u tahay maalintiisa labaad ee uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna subaxaan ku furmay 30% ilaa 35% dhamaan gobolada kala duwan ee Hindiya marka cel celis ahaan laga sameeyo sida uu ku furmay.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadii lala bar bar dhigo Tubelight maalintiisii kowaad sida uu ku furmay maanta waxay ka dhigan tahay filimkaan 10% hoos u dhac inuu sameeyay waayo shalay wuxuu ku furmay 35% ilaa 40% inta u dhaxeesay.

Tani ma ahan aqbaar wanaagsan waayo filimkaan dhaliil xoogan ayuu la kulmayaa waxaana muuqato dhaliisha ay sheekada Tubelight ku hayaan kuwa filimada ka faaloodaan inay haatan sameyn ku yeelaneyso dadka filimka Tubelight tikit u goosan lahaayeen.

Tubelight waxaa qasab ku ah maanta inuu ka lacag badnaado maalintiisa kowaad lacagaha uu keenay hadii kale waxaa muuqato ayadoo Ciidul Fitriga la gaarin in filimkaan xumaanta laga fidinaayo si xawaare ah ku socoto ganacsigiisana sii wiiqmi doono.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. akram30 says:

    war waxani actor Mahan usaga oo kaligiis ah 4400.theaters maalinta wa sabti hadan 30_35 halkaas waxa kacad ninkaan film sheeko fiican maahe film kale mawadi karo dadka asaagiis ah iyagoo filmaan lalasaaray bay waxay ku furmaan 60 marka waxkasta waaa cadyihiin nothing wlhy

  2. akram30 says:

    4400 theaters wax caadi mahan iyo kaligaaa anigu horey baaan usheegay ninkaan waxaan qiimeynayaa markuu maaalin aaan fasax jirin hadana uu actor lasaarto hadii kale waxba actayda kama ahan because ciidul fitri actor yar xitaaa kaligiis hduu saarto wuu u gadmayaa marka salman xaalkiisa mawangsana Sxp saki maxay kula tahay madaama aad aflaamta wax kataqanid xaladan

    • Zakarie Abdi says:

      Sxb Salman Khan wuu qaldamay waayo go’aanta Tubelight uu ku doortay sax ma ahayn waxaa u wanagsan inuu sameeyo filimada xarkada Action-ka iyo heesaha wacan leh xayeysiina loo sameeyo laakiin Tubelight oo kale oo qaab jiliin lagu gadaayo iyo sheeko aan jirin ma bad baadin karo Salman iyo atoore kasto xitaa xiligaan la joogo.




Featured Video