Dilip Kumar “ Caafimadkeyga Aadbuu U Fiicna Intii Lagu Gudajiray Bisha Barakeysan Ee Ramadaan”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Super Star Dilip Kumar waa nin muslim ah sido kale India udhashtay xidigaan oo da’diisa kudhowdahay maadama sanadkaan dhamaadkiisa jirsan doono 95 sano.

Wuxuu dhashtay 11 Dec 1922 waana xidig maqaamka ugu sareyo fanka India ka gaaray, xidigaan ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in caafimadkiisa soo kabanaayo.

“ wali waxaa ii imaanaya martiqaadyo kala duwan oo laigu marti qaadayo inaan kasoo qeybgalo xafladaha kala duwan ee la qabto si laii abaal mariyo balse midaasi caafimadkeyga aye dhib u keyneesa waayo markaan ma ahi qof bixi karo oo meelo aad aadi karo.”

Balse aniga iyi xaaskeyga Sara Bindu waan idiin kaga mahad celineena sida waalida ah ee aad inoo jeceshihiin, caafimadkeyga aadbu ufiicna intii lagu gudajira bisha barakeysan ee Ramadaan, balse waan awoodi waayey inaan soomo bishaan Ramadaan sababtoo ah Daawoyin ayaa ii socdeyn iyo anigoo awood jir ah u awoodi waayey maadama da’ ika tan badatay.”

WARAR DHEERAAD AH:

Halyeygan magaciisa dhabta ah waa Mohamed Yusuf Khan wuxuuna kudhashtay Peshwar meesha loo yaqaano ee hada Pakistan katirsan.

Warar hore ayaa shegeen in Mudane Dilip geeriyooday balse Xaskisa Sara ayaa arinkaa beenisay kadib markii wicista Mobileka laga tan badiyay ayadoo la ogaanayo xaalka Dilip.

Waxayna tiri mudane Dilip dhiiga unbaa kukacay balse caafimadkiisa kale waa nabad qabaa ee falan ka daaya wararka beenta ah ee aad meel walba kuleedihiin aye tiri xaaskisa.

Waxaan u rajeyneena halyey Bollywood Dilip kumar inuu soo caafimaado inkastoo da’ katan badineyso markaan kadib xidigaan.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video