Filimsameeyasha Thugs of Hindustani Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Katrina Muuqal Marti Ku Leedahay Filimkaan!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Ugu dambeyn waxaa duubis lagu bilaaway filimka weyn ee Thugs of Hindustani kaaso inbadan la hadal haayo, sido kale YRF waxay markii ugu horeysay isku keenen Super Stars ka waaweyn ee kala ah Amitabh Bachchan iyo Aamit Khan oo markii ugu horeysay shaashada wadaagi doonan.

Warar bore ayaa waxay sheegen in Katrina ay filimkaan door yar kuleedahay marka loo fiiriyo wararka kasoo baxeyn wargeyska maalinlaha ah,” Katrina waxay filimka Thugs of Hinudtani kulahaan doonta kaliya door yar waxaana gabi ahaanba lagu arkoo doona ayadoo dhan mudo 10-20 daqiiqo inta udhaxeysa ah”

Hadaba wararkaas waxaa beeniyeen kooxda filimkaan iska leh asigoo shaqsi kamid ah shaqsiyaadka ka howl wadaan filimkaan hadlaayo wuxuu yiri balse aanan magaciisa lashegin,”si kastee ahaataba warkaan la isla dhexmaraayo gabi ahaantisa waa mid been ah oo aan waxba kajirin.”

WARAR DHEERAAD AH:

Jamaahir fara badan ayaa kanaxday warka hore ee sheegayay in Katrina muuqal marti ah kulahaan doonto filimkaan balse hada qalbiga ayaa udegey markee maqleen warka dambe.

Kooxda filimkaan waxay kusuganyihiin Malta ayagoo hallkaas duubista filimka ku bilaaweyn sido kale Katrina ayaa la filayaa inee goordhow ku biirto kooxdan maadama lashegay inee kuwajahantau goobta Malta.

Waxaa director ka ah filimkaan Vijay Krishna Acharya halka ay soosare ama qarashgaerye ka tahay shirkada Yash Raj Filims oo uu Aditya Chopra Hogaamiye ka yahay.

Filimka waxaa wada hogaaminayaaan Amitabh Bachcchan, Aamir Khan, Katrina Kaif iyo waliba Fatima Sana Sheikh qorshahana waa in la daawado sanadka dambe 2018.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video