Kareena Kapoor Khan Ma Waxee Kujirtaa Liiska Xidigaha Bollywoodka Katirsan Ee Aanan Baraha Bulshada Isticmaalin?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Dunidan aan joogno manta baraha bulshada ayaa ah meesha ugu badan ee ay dadka ku kulmaan kahor inta aanan Internetka lasameynin dadka goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan ayaa kamid aheyd sida Goobta shaqada, goobta waxbarashada iyo meelo kale.

Balse hada gurigada adigoo joogo ayaad kulan sheeko ah la qaadaneysaa qof dal kale joogo waana casriga manta, hadaba arinkaan weyn ee jira bal kawarama hadii ay ka qatantahay oo aysan marnaba isticmaalin Kareena kapoor Khan (Bebo).

Kaliya Kareena ma aha shaqsiyaad caanka ah ee aanan isticmaalin baraha bulshada ama aanan laheen Accounts kala duwan ee xidigaha Bollywoodka marka loo fiiriyo waxaa kaloo kamid ah Rani mukherjee, Aishwarya Rai Bachchan iyo kuwa kale.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse saas eetahay Kareena ayadoon isticmaalin Baraha Bulshada aye hadana wax walbo xog ogaal u tahay side kudhacday laakiin? ha inooga jawaabto Bebo arinkaas.

“aniga waxaan ahay qof xog walbaa heesata oo wax walbo og sababto ah Bollywoodka waxwalbo kadhexdhaco qaab Online ah ama Offline ahba waxaa ina soo gaarsiiyo saaxiibkey Karan Johar.

“Sido kale waad kumahadsantihiin maadama igu qasbeesan inaa isticmaalo Twitterka iyo Accounts noocyadiisa kala duwan., qofwalbana manta Mobilekiisa ayuu ku xiranyahay inkastoo dadka qaar ay xiiseyan inee Control kusameyaan Instagramka oo ay booqdaan, waxwalbana waxay ku xirantahay markaa Online tahay sawirka aad gudbineso kaaso waxwalbo laga fasiran karo.”

Hadalka Bebo wuxuu u egyahay inee isticmaasho Account bug ah ama qarsoon oo aan la ogeyn balse wixii jiraaba wey iska imaan doonan, inkastoo la filaayo inee goordhow kusoo biirto baraha bulshada xidigtaan.

Dhanka shaqada waxay kasoo muuqan doonta filimkeeda xiga ee Veere Di Wedding waxaana la hogaamin doonana xidigaha kala ah Sonam Kapoor Swara Bhaskar iyo Shikha Talsania kaasona duubis lagu bilaawi doona bisha Aug ee sanadkaan 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video