Maxaa Sababay In Shahid Kapoor Qoyskiisa Ka Guuro Haatana Uu Dago Xaafad Kale?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha door walbo sameyn karo Shahid Kapoor ayaa lagu soo waramaa inuu ka fogaaday xaaskiisa Mira Rajput iyo gabadhiisa Misha haatana uu dagay xaafad kale.

Shahid Kapoor waa aabo qoyskiisa jecel balse arimo shaqo ayuu reerkiisa u cidleeyay madaama la sheegay in jadwalka duubista filimkiisa Padmavati haatan meel xasaasi ah maraayo.

Shahid Kapoor waxaa la sheegay inuu kasoo guuray gurigiisa xaafada Bandra ku yaalo wuxuuna soo dagay xaafada Goregoan ee isla Mumbai ka tirsan balse magaalada duleedkeeda ku taalo wuxuuna halkaas ka dagay Hotel.

WARAR DHEERAAD AH:

Shahid markii hore dhib ayuu ku qabay inuu soo gaaro Film City Studio oo duubista filimka Padmavati ka socotay waxaana jidka kaga soo lumo maalin walbo 4-saacadood saxmada ka jirto Mumbai awgeed.

Sidaa darteed Shahid ayaa go’aansaday inuu dago Hotelo ka ag dhow halka ay duubista Padmavati ka socoto si uu maalin walbo xili hore shaqada u bilaabo.

Director Sanjay Leela Bhansali ayaa soo dhaweeyay talaabada uu Shahid qaaday wuxuuna xidigaan filimkaan ku matalayaa Deepika Padukone seygeeda.

Filimka Padmvati sidoo kale waxaa door muhiim ah ku leh Ranveer Singh waxaana la daawan doonaa 17 November 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Ahmed Yoolah says:

    Waxan ahay qofki ugu horeeyay oo aqriyay inta badana waaba noqda qofka ugu horeeya taas waxay ka dhigantahay in aan taagero u ahay ama aad ugu xiranahay filimside maalinki waxaan soo gala 10 jeer wax ka badan si aan u aqriyo waxi cusub habenkina waxi i dhaafo oo dhan baa aqriya intan sexan

  2. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan says:

    Filmkan ma filmkii aad warkiisa muddo ka hor soo tabin jirteenbaa ee ahaa in Ranveer saluugsan yahay ama diidan yahay doorka Shaahid filmka laga siinayo?

  3. Abdirahmaan fantastic says:

    filmside.weligiin jiray madam naga haqabtrtena baahid aflaanta inkaztoo tagerina shahida balse wan sodhaweynya guriga ukatagy Mumbai




Featured Video