Rasmi: Filimka Duvvada Jagannadham (DJ) Maalintiisa Kowaad Lacagaha Uu Keenay Dibad Iyo Dal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Stylish Actor Allu Arjun guul weyn ayaa usoo hoyotay madaama filimkiisa Duvvada Jagannadham (DJ) ganacsi waali ah maalintiisa kowaad gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka ka sameeyay.

Sida shabakada Andhara Boxoffice xaqiijisay filimka DJ maalintiisa kowaad wuxuu dhul weynaha Telugu AP/Nizam ka keenay 18.36 Crore lacagaha nadiifka ah ay ka heleen kooxda cajaladaha qeybiyaan halka lacagta guudna uu keenay 24 Crore.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale filimka DJ wuxuu gobolka Karnataka ka keenay 2.96 Crore taasi oo ka dhigan in gudaha Hindiya filimkaan ka keenay maalintiisa kowaad 21.32 Crore lacagaha nadiifka ah halka lacagaha guud canshuurta ka hor uu gudaha Hindiya ka keenay filimkaan 28.40 Crore.

Filimka DJ ganacsi heer sare ah wuxuu ka sameeyay gudaha USA asigoo Jimcadii ka keenay 3.50 Crore halka dunida inteeda kale uu filimkan ka keenay 2 Crore.

Sidaa darteed filimka Duvvada Jagannadham (DJ) maalintiisa kowaad isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka wuxuu keenay 33.90 Crore sidoo kalena saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 23.75 Crore.

Duvvada Jagannadham wuxuu noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan ee ebid Allu Arjun sameeyo wuxuuna Super Star-kaan ku jiraa xiligiisa dahabi ah ee aan loo dhawaan karin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video