Rasmi: Filimka Tubelight Iyo Maalintiisa Kowaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Tubelight ee Mega Star Salman Khan hogaamiyaha ka yahay maalinta kowaad lacagaha uu keenay waxaa si rasmi ah usoo daabacday shabakada Boxoffice India.

Tubelight maalintiisa kowaad wuxuu keenay 20.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Lacagahan hadii filim kale uu keeni lahaa bilaaw wanaagsan ayay u noqon laheyd laakiin Tubelight oo 4400 tiyaatar la saaray sidoo kalena Salman Khan hogaamiye ka yahay waxaa loo arkaa bilaabasho aan wanaagsaneyn.

WARAR DHEERAAD AH:

Lacagaha filimka Tubelight keenay wuxuu ka ag dhow yahay lacagihii Raees keenay maalintiisa kowaad 20.50 Crore balse Raees maalinta kowaad Kaabil ayaa tiyaatarada la saartay.

Sidaa darteed Raees ayaa ka bilaabasho wanaagsan Tubelight madaama Raees 3400 tiyaatar la saaray halka Tubelight laga daawaday 4400 tiyaatar.

Tubelight maalintiisa kowaad wuxuu ganacsi fiican ka sameeyay Waqooyiga Hindiya halka bartamaha iyo Koonfur Hindiya uu ku liitay waxayna bil cagsi isku yihiin Raees oo Waqooyiga ku liitay balse bartamaha iyo Koonfurta ku wanaagsanaa.

Tubelight bilaabashadiisa waa niyad jab marka lala bar bar dhigo Salman Khan labadiisii filim ee maal maha ciida ka horeeyo (Pre Eid) la daawaday Kick (24.97 Crore) iyo Bajrangi Bhaijaan (26.67) maalintooda kowaad keeneyn.

Sidaa darteed Tubelight maanta oo Sabti ah waa inuu sare u kac sameeyaa balse Isniinta waxa ka dambeeyo ayuu filimkaan ganacsi weyn sameyn karaa markaas oo feestada Ciida Muslimiinta u bilaaban doonto.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video