Salman Khan “ Aamir Khan, Hritik Roshan Iyo Akshay Kumar Ba Awood Wey U Lahaayen Inee Sameyaan Doorka Laxman Ee Tubelight”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Mega Star Salman Khan aya ugu dambeyn tiyaatarada loo saaray filimkiisa Tubelight kaaso inbadan lasugaayey.

Sallu ayaa u dabaal dagaya maadama filimkiisa la daawanayo sido kalena kalsooni buuxda ayuu ku qabaa xidigaan filimkiisa.

Salman Khan ayaa filimkaan kujilaayo qof weyn oo misane sida caruurta ookale u dhaqmaayo (Man-Child), hadaba Sallu ayaa xili wareysi laga qaaday magacaabay xidigaha ugu awooda badan Bollywoodka qaar kamid ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Wuxuu sheegay xdigaan doorkisa Tubelight ee Laxman uu qofwalba sameyn karo wuuna yahay door iska sahlan.

Sallu oo hadlaayo wuxuu yiri asigoo xidigo qaar magacaabay,” Doorka Laxman waa door iska sahlan qofwalbana sameyn karo xataa xidigaha ugu waaweyn Bollywoodka waqtigaan wey sameyn karaan.”

“ Aamir Khan waligiis doorkan oo kale ma uusan sameyn balse waa shaqsi ku wanaagsan doorkan wuuna sameyn karaa, sido kale Hritik horey ayuuba usameyay doorkan wuuna ku fiicnan lahaa hadi uu sameyn lahaa waayo waa qof la qabsaday waxbadana ka yaqaano.”

“ haka reebin Akki (Akshay Kumar) waa hubaal inuu sameyn karo asna doorkan, iyo dhamaan xidigo kaleba waayo waa door fudud.”

Filimka Tubelight waxaa lagu dhexdaray dagaalkii dhexmaray India iyo China sanadkii 1962 waxaana Sallu filimkaan kula weheliyaan walalkiisa Sohail Khan iyo gabadha reer China ee Zhu Zhu halka Kabir khan na uu Director ka yahay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video