Salman Khan Iyo 10-kiisa Filim Ee Ugu Bilaabashada Wanaagsan Tubelight Kaalintee Kaga Jiraa?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Tubelight maalinta kowaad ganacsi fiican ayuu sameeyay laakiin waa bilaabasho aad u liidato marka laga hadlaayo awooda Mega Star Salman Khan maanta leeyahay iyo hamigii ay ka qabeen dadka arimaha Boxoffice-ka ka faaloodaan.

Tubelight oo maalintiisa kowaad keenay 20.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay ayaa kaalinta 7-aad ka galay filimada Salman Khan hogaamiyaha ka yahay kuwooda ugu bilaabashada wanaagsan.

Taasi waxay soo koobtay ama sawir sax ah naga siisay in Tubelight noqday filimada Salman Khan la imaaday Ciidul Fitriga midkiisa ugu ganacsiga liito maalinta kowaad uguna saameynta yar.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee Salman Khan sameeyay kuwooda maalinta kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen sida diiwaanka Boxoffice India ku qoran:

1. Prem Ratan Dhan Payo – 39.32 Crore

2. Sultan – 36.59 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

3. Ek Tha Tiger – 30.61 Crore

4. Bajrangi Bhaijaan – 26.67 Crore

5. Kick – 24.97 Crore

6. Bodyguard – 21.17 Crore

7. Tubelight – 20.75 Crore

8. Dabangg 2 – 19.21 Crore

9. Jai Ho – 17.06 Crore

10. Dabangg – 14.55 Crore

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video