Sridevi Diidista Ay Diiday Baahubali Iyo Jawaabta Ay Kabixisay Waxay Cadeyn U Tahay In Uusan Oga Duwaneyn Aflaamti Ay Horey U Diiday!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Sridevi waa shaqsi goaan adag waligeedna hal dabeecad aye kudhaqmi jirtay mana iska bedelin dabeecadaas xataa hadii ay manta habar noqotay.

Waagii dhalinyarnimadeeda waxay iska diiday inee filim lasameyso Super Starka India oodhan ugu weyn Amitabh Bachchan kaasi oo shaqsi walba ku riyoodo inuu sawir uun lagalo iskadaa in camera lagula duubo.

Xidigtaan ayaa u aragtay Big B in uu kasaameyn weynyahay marka uu aflaamta lasameynaayo sidaa awgedna waxay rabtay oo kaliya in ay ayada filimka ugu awood badnaato xataa hadii ay atoore lasameyneeso.

Sridevi atoorayasha ay aflaamta lawada sameysay ayada ayaa inta badan ka door weyneed sidaa awged waxay iska diiday aflaam aan caqli gal aheyn.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Baahubali oo ah filim weyn misane guud ahaan dunida oo dhan laga yaabay ayaa misane Sridevi filimkaan oga duwaneyn afaamta kale.

Sri waxaa loo bandhigay doorka Shivagami Devi oo ay matashay Ramya Krishna balse Sri wey iska diiday doorkas ayadoo ka dooratay filimkale oo Tamil ahaa.

Wax yaabaha ay udiiday doorkas waxaa kamid ahaa in ay dooneysay doorka lasiiyay doorkaweyn oo ay rabtay filimka shaqsiga ugu awooda badan inee noqoto side awalba ahaan jirtay balse filimsameye SS Rajamouli arinkas wuu kadiiday Sridevi.

Hadaba Sri oo hadeer kumashquulsan xayeysiin usameynta filimkeeda xiga ee Mom kasoo la daawan doono 7 July ee sanadkaan ayaa xidigtaan wareysi badan laga qaada maalmahan waxyaabaha la weydiyay waxaa kamid ahaa diidmadii ay diiday filimka Baahubli.

Sridevi oo arinkaa ka jawaabeysa waxay tiri,” inbadan ayaanba rabay arinkaan in aan kahadlo waayo wuxuu noqday mid meelwaba lagu hadal haayo.”

“ aniga wali ma daawan filimka Baahubali 2, aniga ayaana iska diiday filimkaan arimo iigaar ah awged balse waxaan la yaabay dadka maxay ilaa waqtigaan u hadal hayaan 5 sano kahor wax ahaa.”

Waxaa jiraan aflaam fara badan oo aan iska diiday maxaa loo hadal heyn waayey kuwaas waligood maxaa kaliya filimkaaan loo hadal hayaa oo loo leeyahay Sri wey iska diiday doorkaas noocas iyo noocas ahaa.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video