Sridevi “ Kahor Inta Aanan Lasoo Deynin Filimkeyga Mom Waxayba Ila Noqoneysaa Inaan Kucusbahay Fanka”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Power Star Sridevi oo 50 sano fanka kusoo jirtay kana mid noqotay xidihii ugu awooda badnaa ee liiska fanka India galeen ayaa leh waxaan wali dareemaya inaan kucusbahay fanka kahor inta aanan la daawan filimkeyga.

Mar ay kusugneyd Chennai si ay halkaas xayeysiin ugu sameyso filimkeeda xiga ee Mom ayaa wareysi gaaban xidigtaan ay bixisay waxayna tiri,

WARAR DHEERAAD AH:

“xaqiiqdi maba ku fikirin inee kasoo wareegatay 50 sano mudadii aan fanka kujiray, xataa manta oo la joogo iskuma maleyo inaan ahay dadkii hore ee waxaan isku maleyaa inaan kucusbahay fanka kahor inta aanan la daawan filimkeyga xiga.”

Ayadoo kahadleysa doorkeda filimka Mom waxay tiri,” Mom waa filim  kahadlaayo hooyo leh laba gabdhood, balse aniga sheekada filimkaan waxbaan iska shabahnaa waayo anigaba nolosha dhabta ah waxaan ahay hooyo leh laba gabdhood, waa filim faaido u ah dhamaan hooyoyinka.”

“filimkeygii udambeyay ee English Vinglish wixii kadambeyay waxaan noqday qof inta badan mashquul kunoqotay caruurteda mana iiqorsheysneen inaan filimkaan sameyn doono iyo filimo kaleba.

Balse maruu Boney iiga sheekeyay sheekada filimkaan aadbaan ola dhacay horey ayaana ka saxiixday waayo aad ayaan ugu farxay sheekada filimkaan.”

Filimka Mom waxaa la daawan doona 7 July ee sanadkaan waxaa Sri kula weheliyaan filimkaan xidigaha kala ah Nawazuddin Siddiqui, Akshaye Khanna and Pakistani actor Sajad Ali Directorka filima waa Ravi Udyawar halka uu qarash gareye ka yahay Sridevi ninkeda Boney Kapoor.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video