Warbixin Kusaabsan Atariishada Quruxda Badan Ee Ayesha Takia Wixii Aadan Ka Aqoon Wax Ka Baro Xidigtaan!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Ayesha Takia waa atariisho udhalatay India waxay dhalatay 10kii Apr 1986 waana 31 jir aadna loo jecelyahay balse xidigtaan aflaamteda ayaa aad u yaraa inkastoo ay fanka soo gashay bilawgii qarnigaan ayadoo aad u yar.

Ayesha  filimkeedi ugu horeyay ee Bolllywood ah wuxuu aha filimkii Taarzan: The Wonder Car ee la daawaday sanadkii 2004.

Waxay ku qaadatay filimkaas abaal marinta atariishada ugu fiican ee Bollywoodka kucusub taaso ay gudoonsiisay shirkada filimfire award.

Xidigtaan Taarzan wixii kadambeyay aflaam badan ma aysan sameyn balse aflaamteda aadka looga xasuusan doona ilaa haatana aanan laga xiisa dhaceyn waxaa kamid ah Socha Na Tha oo ay la hogaamisay Abhay Deol.

Waana filim jaceyl ah ilaa maantadan aad loo jecelyahay, sido kale waxay 2009 sameysay Blockbusterkii weynaa ee Wanted kaaso ay la hogaamisay Mega Star Salman Khan.

Ayesha kaliya kuma ekaan aflaamta Bollywoodka sido kale waxay sameysay filimo koonfur India ah, xidigtaan waxay guursatay ninka lagu magacaabo Farhan Azmi kaasi oo Muslim ah sido kalena waxay udhashay wiilka lagu magacaabo Mikail Azmi.

Ayesha kahor inta aysan Bollywoodka soogalin waxay sameysay xayeeysiimo kala duwan waliba mid kamid ah ayadoo 15 jir ah aye xayeysiin lasameysay Shahid Kapoor sanadkii 2001.

WARAR DHEERAAD AH:

Xidigtaan waligeed dadka filimada ay usameyneeso waxay ka codsanjirtay inee muuqalada iskusoo dhowaanshaha ah ay ka daayan hadii ay laga mamaarmaan tahayna ay soo gaabiyaan muuqaladaas.

Xidigtaan sanadkii 2006 waxay gashay liiska gabdhaha ugu quruxda badan India oodhan sido kale ogow filimka Socha Na Tha wuxuu ahaan lahaa filimkeedi ugu horeyay balse dib udhac kuyimid aawged Taarzan ayaa usoo hormaray.

Ayesha jaceyl ay uqabto ninkeeda aye diinta islaamka usoo gashay waana gabr Muslim ah hadeer oo diinta soo qadatay maadama ay guursaneysay nin muslim ah sidaana ay ku muslimtay kahor inta aysan muslimin aye hal bil oo Ramadaan ah la soomtay wiilka ay jecleyd ugu dambeena wey guursatay.

Ayesha Iyo Xidigaha Ay Bollywoodka Ka Taagerto Iyo Waliba Aflaamta Ay Jeceshahay:

Actors: Aamir Khan, Shah Rukh Khan iyo Amitabh Bachchan aye ka taagertaa dhanka atoorayaasha.

Actress: atariishoyinka ay taagero rasmi ah u heyso waxaa kamid ah Sridevi, Priyanka Chopra iyo Rani mukherjee.

Movies: aflaamta ay xiiseso oo aysan marnaba ka dhargeyn waxaa kamida h DDLJ, Lamhe iyo Hum Dil De Chuke Sanam.

Filimsameyaha dooqeeda ahna waa Sanjay Leela Bhansali oo ay aad ujeceshahay xidigtaan, dhanka kale Ayesha waa gabar Model ah oo aad Fashionka oga soo shaqeysay maadama dadka Modelka looga shaqeyo ay kaheleen quruxda gabadhaani taasi oo kaliftay in ay inbadan kumashquusho Modelka.

Dhamaad……..

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ishwaaq says:

    aisha takiya masha allh madama ay Muslim noqty awalna tageeraan uhayey hadana waaba siitagerayaa guul




Featured Video