Dhalasho Wacan Arjun Kapoor Oo Jirsaday 32 Sano Wuxuuna Dhalashadiisa La Qaatay Athiya Iyo Ileana D’Cruz

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Anil Kapoor wiilka adeerka uu u yahay ee Arjun Kapoor ayaa barito u dabaal dagi doona dhalashadiisa sidaa daraadeed wuxuu maanta go’aansaday inuu jaro doortada dhalashadiisa.

Jilaagaan ayaana maanta usoo hor mariyay dabaal dagiisa ayaa ah in hees cusub laga soo bandhigaayo filima Mubarak heesta ayaana lagu magacaaba Hawa hawa.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidaa daraadeed Arjun wuxuu waqti wacan la qaatay labad atariisho ee filimka Mubarakan kula wehliyaan ee Ileana D’Cruz, iyo Athiya Shetty waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa filim sameeye Anees Bazmee waxayna si wadajir ugu dabaal degeen dhalashada Arjun Kapoor.

Heesta koowaad ee filimka Mubarakan hadaa daawaday isku diyaari heesta labaad ee Hawa Hawa heestaan ayaana ah hees la qaaday 1987 oo hit noqatay waxaa qaaday fanaanka Hasan Jehangir.

Filimka Mubarakan waa filimka jaceyl iyo shactiro isku jiro ah waxaana daafaha caalamka laga daawan doona July 28.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video